June 13, 2021

Waa Sidee Kala Saraynta Horyaalka La Liga Kadib Todobaadkii 28-aad.

Waxa la soo Afjaray todobaadkii 28-aad ee horyaalka La Loga kaas oo si Rasmi ah u bilowday Kadib markii uu muddo 3 bilood ah joojiyay xanuunka Korona.

Todobaadkan waxa guul gaadhay Kooxda Barcelona kuwaas oo 4/0 ku garaacay kooxda Real Mallorca kulan uu gool dhaliyay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Dhanka kale Real Madrid ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Eibar kadib guuldaradii soo gaadhay kulankii Real Betis ee ka hor intii aan la joojin horyaa;ka.

Dhanka kale Atletico Madrid ayaa bar-baro la gashay kooxda Athletic Bilbao xilli ay kooxda Roji Blancos sii wado natiijooyinka xun ee xilli ciyaareedkan.

Messi oo dhaliyay gool ayaa sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta horyaalka La Liga isaga oo 6 gool ka dambeeya xiddiga ugu soo dhaw.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Sida Loo Kala sareeyo Gool dhalinta Horyaalka La Liga:

  1. Lionel Messi (Barcelona) 20 Gool
  2. Karin Benzema (Real Madrid) 14
  3. Luis Suarez (Barcelona) 11
  4. Lucas Pérez (Alaves) 11
  5. Lucas Ocampos (Sevilla) 11
  6. Gerard Moreno (Villarreal) 11
  7. Roger Martí (Levante) 11
  8. Ángel Rodríguez (Getafe) 10
  9. Mikel Oyarzabal (Real Sociedad) 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*