June 13, 2021

Carlo Ancelotti “Waan Rajaynayaa In Aan Tababare U Noqdo Lionle Messi, “

Tababaraha Kooxda Everton ee Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu Rajaynayay in uu tababare u noqdo Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi.

Carlo Ancelotti ayaa tababare soo aha atan ilaa 1995 waxana uu soo tababaray xiddigo badan oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican taariikhda kubada cagta kana mid yahay Xiddiga Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Laakiin Carlo Ancelotti ayaa qirtay in uu rajaynayay in uu tababare u noqdo xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi xilli uu ka sheekaynayay xirfadiisa tababaranimo

Carlo Ancelotti oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan rajaynayay in aan tababare u noqdo Lionel Messi kaliya si aan isku bar-bar dhigo isaga iyo Cristiano Ronaldo”.

ilaa haatan ma jiro tababare soo wada tababaray labada xiddig sanadihii la soo dhaafay taas oo ah arin adag marka laga hadlayo sanadihii la soo dhaafay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*