June 13, 2021

Juventus & Barcelona Oo Dhamaystiray Isdhaafsiga Xiddigaha Arthur Melo & Miralem Pjanic

Heshiiska uu Xiddiga Barcelona ee Arthur Melo ugu biirayo Juventus xiddiga Juventus ee Miralem Pjanic ugu biirayo Barcelona ayaa haatan la dhamaystiray.

Wax walba waxa la dhamaystiray xalay sida uu sheegayo wargayska Sport iyada oo labada xiddigba kala ogolaadeen heshiisyada ay ugu biirayaan labada kooxood.

Heshiiska ayaa ku kacaya in in uu Arthur ku biirayo kooxda Juventus lacag dhan 70 milyan oo euro halka uu xiddiga Pjanic ugu biirayo Barcelona 60 milyan oo euro.

Xiddigaha ayaa todobaadkan isku dhaafi doona magaalooyinka Torino iyo Barcelona si ay u maraan tijaabada caafimaadka ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin heshiiska.

Marka ay labada kooxood dhamaystiraan heshiiska labada xiddig waxa uu mid walba xiddiga sii haysan doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iyada oo labada xiddig la sii joogi doonaan kooxohooda haatan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*