June 13, 2021

Laacibka Jose Enrique Oo Weerar Ku Qaaday Marko Grujic & Xiddig Liverpool Oo Sabab U Ah.

Laacibka Kooxda Liverpool ee Jose Enrique ayaa weerar ku qaaday xiddiga Amaahda uga maqan kooxda Liverpool ee Marko Grujic kadib markii uu ku digtay Goolhaye Adrian kadib khaladaadkii kulankii Aston Villa ee premier League.

Adrian ayaa sameeyay khaladaad dilaa ah kulankii ay Liverpool guuldarada 7/2 ah kala kulantay kooxda Aston Villa ka hor kulankii Fasaxii xulalka.

Marko Grujic oo ka fal celiyay qoraal uu soo dhigay xiddiga Watkins ayaa yiri”Kulamadii ugu horeeyay waa la waayay Laakiin si deg-deg ah ayuu ku sameeyay taariikh”.

“Waxana laga yaabaa in uu dhameeyay waayaha Andrian ee Liverpool”.

Halyeeyga Liverpool ee Jose Enrique oo u jawaabay xiddiga Marko Grujic ayaa yiri”Anigu ma garanayo in ay tani tahay Runta?.

“Qof ma ii kala cadayn karaa? sabata oo ah ma garanayo waxa uu samayno”.

“In aad haawacdo qof aad isku koox tihiin sabab la xiriira in aad amaah uga tagayso kooxda waliba marka uu soo laabanayo xilli ciyaareedka dambe wax macno ah ma samaynayso”.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*