June 13, 2021

Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Fal Celiyay Qirashadii Paul Pogba Ee Ku Biirista Real Madrid

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka fal celiyay qirashadii Paul Pogba ee uu ku sheegay jacaylka uu u qabo ku biirista iyo u ciyaarista kooxda Real Madrid.

Paul Pogba ayaa muddo dheer lala xiriirinayay kooxda Real Madrid xilli uu tababaraha Real Madrid ee Los Blancos jacayl u qabo xiddiga reer France.

Xiddiga reer France ee Paul Pogba ayaa dhawaan sheegay in uu ku riyoonayo ku biirista Real Madrid iyo waliba xidhashada maaliyada Los Blancos.

Ole Gunnar Solskjaer oo la hadlaya wargeyska Manchester Evening News ayaa yiri” Paul Pogba waa xiddig Man United ah, waxana sii joogi doonaa Man United muddo 2 sano oo kale”.

“Waxa aan hubaa in uu diirada saarayo in uu u dadaalo kooxda Man United waxana aan doonaynaa in aan aragno qaab ciyaareedka fiican ee Paul”.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*