June 13, 2021

Banaan-bax Looga Soo Horjeeda Farmaajo Ayaa La Qorsheeynaa In ay Ka Dhacaan HirShabelle ,Galmudug,K/G,Puntlan,Iyo Jubbaland

Tan iyo markii ay Iclaamiyeen Midawga Musharaxiinta in la qabto Banaanbaxyo Lagu Muujinayo IDib dhaca dalka Ka taagan  Iyo in  Si weeyn Looga Soo Horjeesto Maxamed Farmaajo Kaasi Oo ah Madaxweeyne Waqtiga ka dhamaaday Doonayo in uu Marka Dalka Ku Maamulo Qoriga Caaradiisa .

 

Banaanbaxaan ayaa la filayaa in uu Ka dhacaan  Magaalada Muqdisho  Iyo Maaglooyin kale Maalinta jimcaha 26-2-2021. Waxaana la filayaa in ay Halkaasi ka Hadlaan Madaxdii Hore iyo Mas.uuliyiin kale 

 

Sidoo kale Waxaa  la sheegayaa in Banaanbaxyo kale La qorsheenayo in ay ka dhacaan Magaalooyin kale Sida Kismaayo Baydhabo Marko ,, Jowhar Beledweeyne , Buulo-burte ,Jalalaqsi Mahadaay, Cadale,Warsheekh,Raage-ceele ,Dhuusamareeb .Cadaado.Gaalkacyo, Matabaan Boosaaso, Goroowe  Qardho, Iyo Deegaano kale .

Waxaana Socda Abaabulkeeda Waxaana la rajeeynayaa in Beesha Caalamka loo Sheego in dalka soomaaliya uu Galay Xaalad Qatar ah Loona Baahan Yahay in la badbaadiyo Balse hadii ay ka aamusaan in dalka Soomaaliya uu mar kale Ku laabanayo 1991 Sidaa Waxaa Yiri Madaxda Ka Tirsan Abaabulayaasha Banaanbaxa” 

 

 

  

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*