June 13, 2021

XOG HOOSE:Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Farmaajo ,Qoor-qoor Iyo Guudlawe

Wararka Soo baxay ayaa Sheegaya in  uu Jiro Khilaaf Xoogan Oo soo kala dhex galay Farmaajo Iyo Madaxweene Cali Guudlawe Iyo Madaxweeyne Qoor-qoor..

Sida la sheegay Khilaafkaasi ayaa ah in uu Farmaajo Ku amray in ay Amarka qaataan Waajibna ku tahay in aysan la kulmin Madaxda Midowga Musharaxiinta, Waxaana uu Yiri Hadii aad la kulantaan aniga ayaad iga soo Horjeedaan Waana Ogohay in aad ka Hadleeysaan in Villada la iiga saaro,

Dhanka kale Waxaa Hadalka Farmaajo Jawaab kulul ka Siiyay Labada Madaxweeyne Guudlaawe Iyo Qoor-qoor Waxaana ay Yiraahdeen.

“War anaga Madaxdaasi Waxaan Nahay Ahal Marna Waxa ay Ahaayeen Madaxdii Dalka Soo Martay Marna Adiga ayay Kursiga Si nabad ah Kugu Wareejiyeen ee Is deji Maxamed Faraamjoow” Waana Qasab in aan la Kulano Madaxdaasi Waana Madaxda aan Ku Metelaynay Kursiga.

Dhinaca kale Ilo Xod ogaal ah ayaa noo sheegay  Maxamed Farmaajo uu u sheegay  Arrintii dhex martay madaxdaasi Dadka kala Taliyo Arrimaha Siyaasada Balse Waxa ay u sheegeen in waqtigan  la joogo uusan la  Xifaaltamin Madaxdaadi Inta uu Ka Khaarijinayo Madaxdii Hore Iyo Musharaxiinta kala duwan,Waayo Waxa ay kula Taliyeen Hadii aad Waqtigaan Weerar Ku Qaado Waxaa Dhacayo in ay dhamaantood kuu Wada Hishiiynayaan Dhamaantood Sidaana loo Bur-buriyo Ujeedkaadii ahaa Xakunka in aad awood ku qabsato.

Ugu Danbeeyntii wadahadal Hoose waxa uu dhex maray Madaxweeyne Qoo-qoor Iyo Madaxweeyne Guudlaawe Waxaana ay isla meel dhigeen in aysan dadkooda dayacin Oo aysan ku fiirsan Ninkaan Doonayo in uu Ciribtiro Dadkooda wax galka ah ,ayana si Hoose ula shaqeeyaan Madaxda Musharaxiinta Iyo Taageerayaashooda 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*