June 13, 2021

Beesha Caalamka” Farmaajo Iyo Fahad Waa in loo Aqoonsadaa Argagixisada liiska madow”

Dowladdaha Caalamka  waa in ay tixgelisaa cunaqabateynta, xayiraadda saaran soomaaliya Waana in ay  liiska madow ku daraan  Qaswadayaasha  Soomaaliya laga bilaabo Madaxweynaha Waqtiga Ka dhamaaday ee Farmaajo, iyo  Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA) Fahad Yasin Daahir oo loo yaqaan Abu Cumar.

 Dowladda Mareykanka Iyo Dowladaha Caalamka Waxaa laga Codsanayaa in ay cunaqabateyn Xoogan La saaro, waana in ay xayiraan hantida isla markaana ay liiska madow geliyaan shaqsiyaadka aan kor ku soo xusnay ee hadda xukumaya Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo Febraayo 8,2017. DFS waxay iska indha tireysaa doorasho xalaal ah oo loo wada dhan yahay.

Waxa ay Rabaan Doorasho been abuur ah oo aan haba yaraatee wax mucaarad ah laheeyn ayagoo doonaya in lagu qaban Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ee HirShabelle, Koonfur Galbeed  iyo Galmudug .

Doorashada guud ee qaranka  waxaa loo qorsheeyay in ay dhacdo 2021 Hase ahaate Waxaa ka dhashay Muran Xoogan  taas oo noqon  musuqmaasuq, cabsi gelin, khiyaanooyin iyo war isdabamarin.

Madaxweynuhaha Waqtiga ka dhamaaday Farmaajo waxa uu abuurayaa fowdo siyaasadeed oo ay adkaan doonto in la maareeyo maxaa yeelay wuxuu ujeedkiisu yahay inuu beddelo dastuurrada oo uu xukunka sii joogo weligiis,

Sidoo kale Waxa uu Dhawaan Amray in Weerar militari lagu qaado Banaanbax ay Qaban qaabiyeen Midawoga Musharaxiinta kuwaasi Oo Ku Sugnaa Hotelka Maida Farmaajo Waxa  uu isku badalay qabqable dagaal oo ka dhan ah musharixiinta madaxweyne ee Hoteel Maida ee magaalada Muqdisho abaarihii 1:20 am Jimce 19 Febraayo 2021, saacado uun ka hor bilowga banaanbaxa balaaran ee looga soo horjeedo. Waxaana uu Ku Dilay Askartii Waardiyaha u ahaa Madaxda Musharaxiinta.

Bishii Febraayo 19, 2021, in ka badan 10 qof ayaa u dhintey toogasho waxaana amray  Fahad Yaasiin oo ah Taliyaha NISA.

 

 Farmaajo wuxuu rabaa inuu raaco tusaalaha uu bilaabay Madaxweynihii mudada dheer dalka ka talinayay ee Kali-taliyihii Guud Jeneraal Maxamed Siyaad Bare, oo xukunka ka tagay, isagoo qaatay inbadan Xakumayay  wadanka Waxaana ka dhashay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee NISA wuxuu qorsheeyay inuu Farageliyo musharixiinta doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka HirShabeelle  K/Galbeed Galmudug waxaana uu sameeyay Kooxa ka tirsan saraakiil NISA, saxafiyiin, shaqaale dowladeed iyo xubno kale oo  ka tirsan Alshabaab, ayaa ujeedkoodu ahaa inay ruxaan golaha sharci dejinta oo ay ku badnaayeen taageerayaasha Musharaxiinta Madaxweynaha ee rajada leh.

 Farmaajo iyo Fahad Yasin waxay adeegsanayeen ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Sirdoonka si ay u caburiyaan suxufiga mucaaradka ku ah siyaasada iyo guud ahaan shacabka inta lagu jiro noocyada mudaharaadyada nabadeed.

Si kastaba ha noqotee, dhammaan xuduudihii dastuuriga ahaa waa laga gudbay markii DFS ay billowday inay weeraraan oo ay argagax geliyaan kuwa aan hubeysnayn, shacabka iyo  musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha, oo si nabad ah ugu bannaanbaxayay dalka oo dhan iyo gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanayay doorashooyin xalaal ah, isbaarooyinka la qaado, marinnada amniga iyo amniga guud.

Hase ahaate Rasaas Xoogan ayaa lagu riday dad rayid ah Iyo Siyaasiyiin  aan hubeysneyn oo uu kamid yahay raiisul wasaarihii hore Kheire, musharixiinta madaxweynaha iyo dadkii ka agdhawaa.

 

Ugu danbeeyntii Besha Caalamka Waxa laga codsaneyaa Farmaajo in si deg deg ah maxkamad loo soo taago Sidoo kale  Fahad Yasin iyo Taliyaha Booliska Xijaar  in aduunka loo aqoonsado  diiwaankana Loo galiyo inuu yihiin qof argagixiso ah.

 

 

w/qoray

C/laahi balcad

cabdllahi15@gamail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*