June 13, 2021

Farmaajo Oo Taageray Qeeyb Ka Mid ah Heshiiskii Dhexmaray Rooble iyo Mucaaradka

Madaxtooyada Somalia ayaa goor dhow War-saxaafadeed ka soo saartay heshiiskii hodhaca ahaa ee Xalay dhexmaray R/W Xukuumada iyo midowga Musharaxiinta.

     HOOS KA AKHRISO QORAALKA KA SOO BAXAY VILLA SOMALIYA

Madaxweynaha Waqtiga ka dhamaaday   Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray.

Maxamed Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha Waqtiga Ka dhamaaday  Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo.

Si kastaba Ha ahaatee Waxa aad Moodaa Farmaajo in uusan Ku Qanacsaneen Qaar ka mid ah Hishiiska shalay lagu gaaray Muqdisho. Qodobka 6aad kaasi Oo ahaa In Si wada Jir ah looga Shaqeeyo Arrimaha Siyaasada Iyo Doorashooyinka.

Sida la wada Ogsoon yahay Hishiiskii 17-ka Sebteembar ayaa ahaa mid u dhaxeeyay Dowlada Federalka Iyo Mamul Goboleedyada Hase ahaatee Waxaa Jiray Qodobo la isku diidaana Sida in ay ka soo qeeybgalaan saamileeyda siyaasada Shirarka looga Hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka .

Balse Waxaa aad uga soo horjeeday Madaxweeynaha Xilka Ka Dhamaaday Maxamed Farmaajo in Saamileeyda Siyaasada la keeno Miiska Wada hadalka.

Dhanka kale  Maamulada Puntland Iyo Jubbaland  Ayaa Bayaan ka soo saaray Xaalada Dalka Iyo Arrimaha Doorashooyinka Kaasi Oo ahaa In Saamileeyda Siyaasada lagu soo daro Shirarka looga Hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Iyo In Xilalka laga qaado Taliyayaasha Ciidamada Sida Booliska,Nabadsugida NISA Iyo Millateriga.

Ugu Danbeeyntii Hishiiskii Shalay Waxaa ka Mid ahaa in la sii wado Shirarka Arrimaha Doorashooyinka Looga Hadlayo Iyo In ay qeeyb ka naqdaan Saamileeyda Balse Waxaa Si Dadban uga Horyimid Farmaajo Waxaana uu Cuskaday Hishiiskii 17 Sebteembar 2020 Hishiiskaasi Oo aan Fursad Siyaasadeed Siineeynin Saamileeyda Siyaasada.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*