June 13, 2021

Ciidamada Gor-gor Iyo Haramcad “Waa Lakala Bixi Doono Haddi Xabad Lagu Bilaabo Xasan Iyo Shariif”

Sida aan Xogta Ku Helayno Ayaa Sheegaya in ay Jiraan Ciidamo kala Shakisan Oo Ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Kadib markii laba Jeer laga Baajiyay Banaanbaxa Nabadda Madaxdii Hore Soomaaliya Iyo Taageerayaashooda,

Ciidaamadan ayaa la sheegayaa in ay Ka Muujiyeen Wal wal Xoogan Waxaan ay sheegeen in aysan Marna ka qeeyb qaadan Doonin in ay weerar ku qadaan Madaxdaasi Hore .

“Haddi aan Nahay Ciidanka Xooga Sida Badan Waan iska war qabnaa Waana Sheekeysanaa Ninkasto Waxa uu Yahay Qabiilkiisa Mana Moogin Hadii Weerar loo adeegsado Madaxdeenii Hore Anagana Waxa aan Jawaab Ka bixin Doonaa Isla Dhanka kale Oo Waxa aan anagana Ku Lisi Ama Villada Ka Saari¬† Doonaa Dhanka Farmaajo Iyo Fahad ” Sidaa Waxaa Yiri Saraakiil Baddan Oo Ka Tirsan Ciidanka Oo Magacooda aan u Qarinay Sababo amaan.

Dhanka kale Waxa ay inoo sheegeen in ay Jiraan Ciidamo Baddan Oo Ku Jira Aaga Hore ee Dagaalka Oo Kala Joogo GEDO. BAY .SH/HOOSE. SH/DHEXE IYO HIIRAAN in Ay u soo socdaan Muqdisho ayna Dhawaan Soo Gaari Doonaan Haddi uu Ilaahay Idmo Ciidamadaasi la sheegay ayaa ah kuwa ka war dhoowraya Sida ay Xaalada Isku Bedesho Waxa ayna Diyaar u Yihiin In ay la shaqeeyaan Midowga Musharaxiinta Maadaama Laba jeer laga Banaday.

Sidoo kale Waxa aan Xariir Hoose la Yeelanaya Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Ku Sugnaa Taalada Daljirka Dahsoon Iyo Isgooysyada Qaar Waxa ay dhaheen Wax kasto waan ognahay ee Waxa aan Qiimeeynaynaa Sida ay Xaalada Isku bedesho Waana Ognahay Dulmiga Xoogan ee Lagu Hayo Madaxdii Dalkaan Ka Soo Saartay Dhibatada Balse Waxa lakala Baxayaa Markii Xabad lagu Bilaabo.

Si kastaba Ha ahaate Waxaa Isi soo taraya Xiisadaha Siyaasadeed ee Ka Taagan Muqdisho ayadoo Markii labaad laga Baajiyay Banaanbax Midowga Musharaxiinta lamana Garanayo Xaalka Sida uu Naqan Doono.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*