June 13, 2021

Maxaa Ka Jiro Farmaajo Iyo Fahad yaasiin In uu Kala Dhaxeeyo Xariir Hoose Al-shabaab?

Madaxweeynaha Mudo Xileedkiisa Dhamaaday Maxamed Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu yahay Ruux la shaqeeya Al-shabaab Marna aan ka hadlin Qaraxyada loo geeysto shacabka. 

Tan iyo Marka uu Xakunka qabtay Farmaajo waxaa dalka ka dhacay qaraxyo ay ku dhamaadeen shacab soomaaliyeed marna kama tacsiyeeyo Hadii uu qarax ka dhaco Muqdisho Iyo Gobolada kale, Balse Hadii uu qarax ama Geeri ka dhacday Dibeda Si deg deg ah ayuu Tacsi Ugu Dirayaa Waxaana arrinkaasi is weeydiyay shacabka soomaaliyeed  Sabbabta maxay tahay uu Shacabka soomaaliyeed uu Tacsi Ugu Diri waayay Halka uu wadamo kale ugu dirayo Tacsida.Taasi ayaa Muujinayso In uu La shaqeeyo Alshabaab.

Maxamed Farmaajo Iyo Fahad yaasiin ayaa la ogyahay in uu kala dhaxeeyo Xariiro Hoose  Alshabaab waxaana ay Xogta Ku Kala qaataan si Hoose Waxaana Xogta loo Marsiiyaa Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Kaasi Oo Amaro ku siiyo Halka ay Qarxinayaan Iyo Qofka ay Dilayaan .

Maalintii Shalay aheeyd 9/3/2021 Waxaa Madfac lagu Garaacay Xarunta Xalane ee Maagalada Muqdisho Halkaasi Oo La Filayo in uu ka dhaco shir .

Hase ahaatee Waxaa lagu Tuhmayaa in ay Ka dambeeyeen Farmaajo Iyo Fahad ayadoo la sheegayo in  ay Xogta ay Hore u Heleen Sirdoonka Caalami ah Waxaana ay dhawaan soo bandhigi doona dadkii ay u wakiisheen kuwaasi oo laga duubay xog sir ah.

Fahad yaasiin Waa Wakiilka Alshabaab ee u Jooga Dowlada Federalka ee waqtigeeda Dhamaaday waxaana uu Si Hoose ula shaqeeyaa  Al-SHABAAB IYO Dowlada Qatar Oo Taageerta Jabhadaha Aduunka ka Jirta .Dowlada qatar Marna ma taageerto Dowlad wanaagsan ee waxa ay Taageero Xoogan Siisaa Jabhaddaha waana dowlada Yar Oo Aduubka Dhibaato Ku Hayso.

Fahad Yaasin ayaa Dhawaan Hishiis Hoose Lagalay Al-shabaab Hishiskaasi Oo Ka Kooban 

.in Muqdisho Qaraxyo Xoogan laga Sameeyo

.In Shacabka Degan HirShabelle Iyo Konfur Galbeed Cunaqabateeyn Dhanka Gaadiidka ah la saaro Waxaana la arkayay in dhamaan Gaadiidka u safrayay G/SH/DHEXE  Ay Ku Xayiran Yihiin Muqdisho Muddo laba Todobaad ah.

.In Dhalinyarada  la dilo  si loo yareeyo Awooda Dhalinyarada.

.In Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Ganacsatada ,la Dilo Si  dalka Hormuudkiisa Loo Laayo

Dhamaan Hishiisyadaasi ayaa ah Mid Durbadiiba laga Dareemayo Dhamaan Magaalooyinka Muqdisho Iyo Gobolada Deriska la ah .

w/qoray

Al ustaad cabdi yare

cabdllahi15@gamail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*