June 13, 2021

Janaral Xuud “Caleema Saarkii HirShabelle Waan Joojiyay Dhawaana Waxaan Soo Dhisi Doonaa HiiraanState”

Tan Iyo Markii la soo Magacaabay Madaxweeynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa Laga joogaa Mudo Hase ahaatee waxaa jiro Caqabado Hor taagan Caleema saarkiisa Iyo Dhismaha Golaha Wasiirada Cusub HirShabelle.

Maxaa ka Hor Taagan caleema saarka Madaxweeyne Cali Guudlaawe ?

Sida la wada ogsoonyahay HirShabelle ayaa lagu dhisay Beelo is ogol Waqtigii la dhisayay Hase ahaatee Dhismahii labaad  ee HirShabelle waxaa dhacay in uu yimaado Wax isdaba marin iyo sadbursi hal dhinac ah  Waxaana Ka Danbeeyay Madaxweeynaha Waqtiga Ka Dhamaaday Maxamed Farmaajo Iyo Taliyaha NISA Fahad yaasiin.

Hase ahaatee waxaa si weeyn uga soo horjeestay Beesha Xawaadle Oo markii hore heeysay Hogaanka Madaxweeyna hirShabelle.

Kadib  Markii lagu Dhawaaqay HirShabelle Labaad ayay Beesha Xawaadle  isaga baxeen Dhismaha uu Muranka Ka Taagan Yahay ee HirShabeelle .

Maalmo ka dib Beesha Xawaadle ayaa Sheegtay In ay dhisanayaan Maamul lamagac baxay Hiiraan State .

Sidoo kale Jeneraalka Awooda Badan ee ku sugan G/Hiiraan Janeral Xuud ayaa Ku Dhawaaqay Jabhad uu Hogaaminayo Waxaana uu Dagaalo Xoogan la galay Ciidamo laga soo diray Muqdisho Asigoona Guulo La Taaban Kara Ka Gaaray.

Dhanka Kale Waxa uu Is Hortaag Weeyn Ku Sameeyay In Magaalada Beledweeyne uu soo Gaaro Madaxweeynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Kaasi Oo La Doonayay In Lagu Caleemo Saaro Magaalada Beledweeyne Hase ahaatee Marna laguma Guuleeysan Caleema saarka Iyo Safarka Madaxweeyne Cali Guudlaawe uu Ku Tagi Lahaa Beledweeyne.

Dhanka kale Janaral Xuut  ayaa la sheegayaa in uu ku guuleeystay in uu Beelaha La dagan Hiiraan uu ka dhaadhiciyo in ay isaga Baxaan Maamulka HirShabelle ayna Dhistaan Maamul ay Ku Mideeysan Yihiin Sida lawada Ogsoonahay Wayna ku Raaceen Beelahaasi Waxaana ay Diyariyeen Ciidamo Xoogan Oo La shaqeeya Maamulka Cusub ee Hiiraan State .

Hishiiskaasi Kadib waxaa soo Ifbaxay qaar ka mid ah Beelaha Degan Hiiraan  ay  Beel waliba Ku Dhawaaqday Jabhad Xaq u dirir ah Sida  Beesha Baadi Cade Oo Jabahad Uga Dhawaaqday Deegaano Hoostaga Degmada Buule-burte Iyo Beesha Makane Oo ayagana Ku Dhawaaqay Sidoo kale Waxaa la sugayaa in Maalmaha soo socda  ay ku soo Biiraan Beelo Kale Oo Degan Hiiraan Iyo G/Shabellaha Dhexe.

Dhanka kale Janaral Xuud  ayaa la sheegayaa In uu Dhawaan Bilaabi Doono Howlgalkii ugu Xooganaa ee Ka Dhaca Magaalada Beledweeyne Kaasi uu Doonayo In uu Ka Xureeyo Ciidamada Ku Sugan G/Hiiraan.   

Ugu danbeeyntii Janaraal Xuud ayaa Ka Helay Ciidamo Iyo Dhaqaalo Xoogan  Dadka Degan Hiiraan State Guddaha Iyo Dibeda. Sidoo kale Waxaa La Sheegayaa in uu Jiro Kulamo Guudaha Iyo Dibeda ah Oo ay Wadaan Siyaasiyiinta Reer Hiiraan Waxaana Ku Jira Xildhibaano ,Wasiro Hore Iyo Madaxweeyneyaashii Hore HirShabelle Iyo Qurbojoogta . Aqoonyahanada .Iyo Dhalinyarada Waxaana ay soo dhisi Doonaan Golle Badbaadiyo Hiiraan State .

W/qoray Madaxa Warbaahinta Hiiraan State

Hiiraanstate@gmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*