June 13, 2021

Shacabka HirShabelle Waa Dhibane Waxaana ay Dhibane u Yihiin Maamulka HirShabelle ee YES MAN

Sida la wada Ogsoon yahay Degaanada HirShabelle Waxaa Ka Jira dhibaatooyin badan aan la soo koobi karin dhan kasto ah.Hase ahaatee Waxaa meesha ka jiro Maamul aan shaqeeyn Oo Magac u yaal ah HirShabelle .

Tan Iyo Markii la soo Dhisay Maamulka HirShabelle ayaan aheeyn mid wax badan ku soo kordhiyay bulshada iyo deegaanada ku Hareereysan .

HirShabelle Waxaa Ka Jira Dhibaatooyin Badan aan la soo koobi karin Waxaa ka mid ah

1:Mar ka hore ma lahan Ciidan Ka amar qaata HirShabelle Sida Boolis ,Melliteri.Nabad sugid Iyo Ciidanka Waaxda Canshuuraha Deegaanka.

2:HirShabelle Ma lahan Xafiisyo Doowladeed Oo ay ku shaqeeyaan Hey,adaha kala duwan ee HirShabelle  Waana Maamul Ninkastoa Xafiiskiisa uu Yahay Labtobkiisa Iyo Halka uu ku sugan yahay iyo Hoteelada muqdisho.

3:Gollaha Xildhibaanada  ee Baarlamaanka HirShabelle Ma lahan  Ajandeyaal ay ku shaqeeyaan waa kuwa ka war dhowra Madaxda Ugu Sareeysa ee Maamulka HirShabelle Iyo Ku Xigeenadooda Waxaana loo Dirsadaa Shaqo aan Dan ugu Jirin  Horumarka HirShabelle.

4:Shacabka HirShabelle Waa Kuwa dhibane u ah Maamulka HirShabelle Waxaa laga qaadaa Canshuur aad u Tiro Badan Hadii ay ahaan laheeyd suuqyada iyo Wadooyinka Gaadiidka ay maraan. dibna loogu ma celiyo Canshuurtii Sida qasban looga qaaday shacabka.

5:HirShabelle Ma lahan Xarun dhexe ama Bankiga dhexe ee lagu Keeydiyo Canshuurta laga qaado shacabka Waxaana Si Maalinle ah Toos u Qeeybsada Hogaanka Ugu Sareeya Iyo Ku Xigeenadiisa  Hase ahaatee  Waqtigaan Ma Muuqato Qorshe  lagu Dhisayo Nidaamka Maamulka Bankiga DHEXE EE HirShabeelle.

6:Deegaanada HirShabelle Waa Deegaano Ka la Goan Oo aan isku Fureen Dhinaca Amniga  Waxaana ay Isticmaalaan Diyaarado Balse Waqtigan Ma Muuqato Maamul Doonayo in uu wax ka qabto Dhibtaan Heeysata Shacabka.

7:Deegaanada HirShabelle Ma Jiraan Maamul Wax Ka qabtay Arrimaha Muhiimka Sida Caafimaadka Waxbarashada Iyo Amniga .HirShabelle Ma lahan Xarun Isbitaalo Oo Weeyn Oo Buuxin kara ama Soo Dhaweeyn Kara Baahiyada caafimaad ee ka taagan Deegaanada HirShabelle.

8:Madaxda HirShabelle Ma ahan Kuwa Aqoon u Leh Maamulka Iyo  Marreeynta Hanaanka Dowliga Iyo Isla Xisaabtanka Waa Kuwa Ku Soo Bar baaray Wax Kala Xoogid Iyo Isdaba Marin Dhinaca Masuq-maasuqa.

9:Ugu Danbeeyntii Maamulka Hadda Jiro Waa Maamul aan madax banaaneeyn Oo looga Taliyo NISA IYO VILLA MUQDISHO. Ma ahan Madax Go,aamin karta Mustaqbalka Shacab weeynaha HirShabelle Iyo Beelaha ay Matalaan Sida Muuqata Waa Madax u Muuqda “YES MAN”

Si kastaba ha ahaate Shacabka HirShabelle ayaa ah kuwa ku dulman Maamulka ay ku Hoos noolyiihin Hadii ay ahaan laheeyd Dhinaca Maamulka Dowlada HirShabelle Iyo dowlada Federaalka   Waxaa Jiro Dhalin yaro badan oo u baahan Shaqo Ma haystaan. 

 

 

W/Q

Xasan yare

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*