June 13, 2021

FIIRSO:Wabar Socdaal “Ma Aqbaleeyno Waxii Shalay Ka Dhacay Gollaha Shacabka Iyo Mudo Kordhin”

Mid ka mid ah Nabadoonada Mudullood Wabar Socdaal Raage ayaa Ka Hadlay Xaalada uu Dalka Marayo Waxaana uu si kulul u Canbaareeyay Falkii Foosha Xumaa ee shalay ka dhacay Xarunta Gollaha Shacabka Waxana uu Yiri Marna lama Aqbali Karo Muddo Kororsi Iyo Awood Millateri .

Sidoo kale Waxa uu Yiri”Maxamed Farmaajo Waqtigiisa Waa dhamaaday Mana laga Aqbalayo Mudo Kororsi Waxaana  ka Xignaa Dagaal Haddii loo Sameeyo Muudo Kororsi Maxamed Farmaajo.

Dhanka kale Wax uu Cod dheer Ku Yiri”Cid naguma Qasbi karto In uu Maxamed Farmaajo nagula Joogo  awood Waxa aan La Hadleeynaa Ciidamada AMISOM Iyo Beesha Caalamka Waxaan leenahay Oggaado Farmaajo Naguma Qasbin kartaan  ee Haddi aad Isku Daydaan In aad Garabsiisaan Waxba idin kama Xishooneeyno Waana Idinku Dareeynaa inshalaah,

 

HOOS KA DAAWO

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*