June 13, 2021

Kulan Lagu Taageerayo Xildhibaan C/llahi Maxamed Nuur Oo Muqdisho Ka Dhacay

Xildhibaanka Laga Soo Doortay Gobalka Sh/Dhexe Xildhibaan Maxamed Nuur Oo Ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya  Waxaa taageero u Xoogan u muujiyay Shacabka Ganacsatada ,Aqoonyahanka Dhalinyarada Haweeynka Dhamaan Qeeybaha Kala Duwan ee Bulshada uu Ku Metelo Kursiga Xildhibaanka.

Sidoo kale Waxaana ay sheegeen iney ku kalsoon yihiin,ayna Garab taagan yihiin  isla markaasna ay aaminsan yihiin inuu guulo ka keeni karo dagaallada uu   kula jiro Ninka kaligii Taliska ah  Maxamed Farmaajo ee Waqtiga ka dhamaaday.

Kulan ay Xalay ay isugu Yimaadeen Taageerayaasha Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Ku Cadeeyeen in ay Taageero La garab taagan yihiin Dhan kasto ah .

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysa marna ka yeeleeynin in xildhibaankeena laga joojiyo ka qeeyb galka kalfadhiyada Baarlamaanka Federalka.

Hase ahaatee Mid ka mid ah Waxgaradkii ka hadlay Goobta  ayaa Yiri”Farmaajo waa nin wareersan ma ogo miyaa in dalka lagu qeeybsaday 5 beelood Hadii uusan aqoon anaga ayaa u sheegeeyna Mana Ka Joojin karyo Xildhibaankeena Hadii uu isku dayo In uu sameeyo Kulan ka Joojin Xildhibaankeena Ha Ogaado Waa Noo Dagaal 100%  Waan Garab Istaageeynaa”

 

Dhinaca kale Waxa ay Isku Raaceen In ay si buuxda u taageerayaan Xildhibaankooda Iyo Cidkasto Oo Mas,uuliyad u Heeyso Beesha In aan lagu Xad Gudbi karin ,Dhanka kale Waxa ay Fariin u diireen Mas,uuliyiinta Ku Metesha Siyaasada in ay Iska war hayaan ayaga  Bulshadana ay ka war hayaan. Marna aysan ka qeeyb qaadan dulmi iyo daandaansi dagaal. 

Ugu danbeeyntii Waxa ay sheegeen In ay Dhawaan  ay Soo Saari Doonaan War-saxaafadeed Lagu Taageerayo  Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur Iyo Siyaasiyiinta Ku Metesha Beesha Arrimaha Siyaasada.

 

 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*