June 13, 2021

Dowlada Masar oo Gaadiid iyo Khubaro dhismo u dirtay Magaalada Qasa

Ku dhawaad 10 Gaadiidka waa weyn ee  Cagafcagafyada ayaa waxay  ka gudbeen Marinka Rafax, si ay gacan uga haystaan Dib-u-dhiska dhismooyinkii ku burburay dagaalkii Falastiiniyiinta iyo Yahuuda  ku dhex maray magaalada Qasa.

Injineero iyo shaqaale dhismo oo ka socda Masar ayaa gaaray Qasa,  si ay u dejiyaan Naqshadaha dib udhiska ee dhismayaasha ay Diyaaradaha Dagaalka Yahuuda  ay baabi’iyeen.

Kolonyo Gadiidka Dhismaha ah oo uu Calanka Masaarida ka dul babanayo ayaa ka gudbay Rafax, si ay u bilaabaan dib u dhiska magaalada Qasa iyo Guud ahaan Deegaanada Marinka Qasa ee uu sameeyay burburka baahsan oo ay u geysteen Ciidamada Israa’iil.

Shirkadda Dhismaha ee Milliteriga Masaarida ayaana la siiyey Qandaraaska  dib udhiskaasi Qasa, iyadoo Madaxweyne CbdulFataax Al-sissi, uu 5-million oo Dollar ugu deeqaday Dib u dhiska magaalada Qasa.

inkastoo Ay dadka Qaar Shaki Ka muujiyeen arrrinkan Waxaana ay tuhumo dhanka basaasnimo Ka qabaan in loo soo maro Dhinaca Howlwadeenada.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*