June 13, 2021

R/Wasaare Rooble Oo Magacaabay Agaasimayaal Cusub

R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u magacaabay Agaasimayaal cusub Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Saciid Cabdullaahi Calasow.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Maxamed Xayir Ducaale.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in xilka laga qaaday Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta kadib markii wasaaradaasi ay toddobaadyadii la soo dhaafay ay baahineysay wararka mucaaradka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*