June 13, 2021

Guuleed”Waa Khiyaano Qaran in ciidamo tababar ku jirey la geeyo dagaalka Ethiopia”

Musharax Madaxweyne C/kariin Guuleed ayaa ka hadlay ciidamo Soomaali ah tababar loogu qaaday dalka Eriterea oo la geeyay dalka Ethiopia si ay u caawiyaan ciidamada Ethiopia dagaalka gobolka Tigray.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa ayuu Musharax Cabdikariin Guuleed ku tilmaamay falkaasi inuu yahay khayaano qaran.

“In Ciidankii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea in loo adeegsaday dagaalkii Tigrau waa farriin naxdin leh, waa khiyaano Qaran oo aan horay uga dhicin dalka.

Musharax Cabdikariin Guuleed ayaa ka dalbay dowlada federalka ee Waqtiga Ka dhamaaday inay jawaab ka bixiso arrintan oo uu kutilmaamay mid aan indhaha laga qabsan karin.

“Madaxweynaha mudadu ka dhammaatay lagama aqbali doono inuu indha-sarcaadiyo ummadda Soomaaliyeed, waana in arrintaan laga bixiyaa jawaab ku habboon oo deg deg ah. Taariikhda Soomaalidda kuma xusna dhacdo noocaan ah, waana fadeexad weyn oo aan indhaha laga qabsan karin. Farmaajo waxuu caadeystay inuu mar kasta ka dhuunto kana cararo inuu wajaho xaqiiqda, umaddana la wadaago waxii jira sax iyo khaladba. Waxaana dhamaanteen wada xusuusanaa dhacdadii xanuunka badneyd ee dhiibistii halgame C/kariin Qalbi-dhagax.

Waxaan murugada iyo xanuunka la wadaagaya qoysaska ciidankaas la khayaamay, waxaana cod dheer ku dalbaneynaa in intii ka nool dhallinyaradaas si deg deg dalka lagu soo celiyo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*