June 13, 2021

Madaxweynaha Faransiiska oo wejiga laga dharbaaxay

Laba nin ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wejiga ka dharbaaxay, sida wararku sheegayaan.

Muuqaal lagu arkay baraha bulshada ayaa lagu arkay madaxweyne Macron oo socod gaaban ku maraya qeyb ka mid ah dhismaha Drôme.

Ka dib nin ayaa wejiga ka dharbaaxay madaxweynaha, waxaana ninkaas isku duubay askarta. Macron ayaana meel gabaad ah loola cararay.

Labo nin ayaa dhacdadaas loo xiray ka dib markii muuqaalka uu baahay, sida saxaafadda Faransiiska ay ku warramayaan.

Markii dharbaaxada ay ku dhacday madaxweynaha waxaa lagu dhawaaqay “ha dhaco macron”.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Macron ayaa iska fogeeyay in dhacdadaas ay lug ku lahaayeen.

Hoggaamiyaha Midigta-Fog, Jean-Luc Mélenchon, wuxuu Twitter-kiisa soo dhigay “inuu u damqaday madaxweynaha” isla markii ay dharbaaxada ku dhacday.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*