June 13, 2021

Ciidamada Itoobiya oo madaafiic ku garaacay saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Duleedka Baydhabo

Ciidamada Itoobiya ayaa xalay tiro madaafiic ah ku garaacay Saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin  koofurta magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaafiic ayaa waxaa ay ku dhaceen deegaanka Gooyaale ee Koofur kaga beegan magaalada Baydhabo, xili halkaasi ay ku sugnaayeen dagaalameyaal badan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmi ah ee gaaray  Al-Shabaabka lagu weeraray koofurta magaalada Baydhabo.

Sidoo kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Itoobiya  ee  ku sugan magaalada Baydhabo

Maalintii Shalay ahayeed dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada xoogga uu dagaal culus uu ku dhexmaray deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*