June 13, 2021

Markab ku degay Xeebaha Somalia iyo Badmaaxiintii Oo La Badbaadiyay

Hadal-qoraal oo ay Ciiddanka Badda ee Maraykanka soo saareen ayaa lagu sheegay inay soo badbaadiyeen 15 Badlaaxiin la socotay Markab ku sii degayey meel ka baxsan Xeebaha dalkeena.

Qoraalka ayaa lagu xusay in Xarunta UK ugu qaabilsan La-socodka Maraakiibta Ganacsiga ay ku soo wargeliyeen Ciiddanka Badda Maraykanka inay u gurmadaan Markab ay cillad farsamo ku qabsatay Gacanka Cadmeed.

 

Mariniska Maraykanka waxay tilmaameen inay si degdeg ah u gurmadeen Markabka cilladaysnaa ee MV Falcon Line, ka hor inta uusan Markabka si buuxda u degin ama u quusin.

Badmaaxiinta la soo badbaadiyey oo aan la sheegin dalalka ay ka soo kala jeedaan waxaa loo fidiyey Gurmad, iyagoo la siiyey cunto, biyo iyo baaritaan Caafimaad.

Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Guutada 5-aad ee Ciiddanka Maraykanka ee Saldhiga ku leh dalka Baxrayn waxay sheegeen inay ku hawlan yihiin sidii ay u xiriirin lahaayeen Milkiilaha Markabka MV Falcon Line iyo Maamulayaasha kale, si loo go’aamiyo Goobta ugu wanaagsan ee ay Badmaaxiinta la soo badbaadiyey uga soo degi karaan.

 

Markabka Xamuulka ee Falcon Line ee ku degay meel ka baxsan Xeebaha Somalai waxaa la sheegay inuu ka diiwaan gashan dalka Gabon.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*