July 28, 2021

Ciidamada Punland Oo Khamri Farabadan Ayaa Maanta Lagu Burburiyey Goob Fagaare Ah

Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa Maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada Booliska ay ku guleesteen in ay soo qabtaan.

Ciidamada ammaanka oo Howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada iyo baraha Kantaroolada ayaa khamrigan gacanta ku dhigay, xili la qorsheeyay in la si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari Gobolka G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in khamriga la gubay oo kaartoono lagu soo dhex qariyey lagu qabtay baraha Kantaroolada laga soo galo Magaalada.

Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa boggaadiyay howlgalada looga hortegayo waxyaabaha maandooriya ee Khamriga, wuxuuna si Cad u sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabtay falkaas.

Goobta lagu gubaayay Khamriga lagu qabtay Magaalada Boosaas ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda, Xeer ilaalinta iyo Saraakiil Ciidan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*