July 28, 2021

Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Koofurgalbeed Oo u Isu Dhiibay Alshabaab

Alshabaab ayaa sheegtay in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Baraha taageera Alshabaab ayaa lagu daabacay sawirka iyo magaca sarkaalkan oo lagu sheegay Col. Mustaf Xasan Axmed kaasoo gaaray deegaanka Garasweyne oo ka tirsan gobolka Bakool.

Alshabaab ayaa ku macneysay sababta uu isu soo dhiibay sarkaalkan inay tahay isagoo ka carooday dhibaatada ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Koonfur Galbeed.

Col. Mustaf Xasan ayaa sidoo kale ballan-qaaday, in uu wixi hadda ka dambeeya ka-barbar dagaallami doono Al-shabaab, si degaannada Koonfur Galbeed looga saaro ciidamada Itoobiya.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada dagaalamayaasha Alshabaab iyo weliba sidoo kale war ka soo baxay maamulka Koofurgalbeed.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*