July 28, 2021

SAWIRO:Dr Axmed Xalal Oo Si Wanaagsan Uga Shaqa Bilaabay Isbitaalka Guud ee Degmada Ceelbaraf

Sida aan Wararka Ku Heleyno ayaa Sheegay in Degmada Ceelbaraf ee G/SH/DHEXE uu Shaqo Caafimaad ah uu ka Bilaabay Dr , Axmed Maxamed (Dr Xalaal) Iyo Dhaqaatiir kale Oo la socday .

Dr , Axmed Maxamed (Dr Xalaal) Ayaa Si Rasmi ah uga Shaqa Bilaabay Isbitaalka Guud ee Magaalada Ceelbaraf  Taarikhda Marka aheeyd   12/6/21 . 

Sida ay Warbixintu  Sheegtay Dhaqtarka ayaa baaritaan Caafimaad dhanka Indhaha Iyo Qaliino ku sameeyay Bulshada Ku Nool Degmada Ceelbaraf Iyo Deegaanada Ku Dhaw-dhaw.

Mid ka mid ah shacabkii ka faaideeystay Dr Xalaal ayaa Yiri”Marka hore Aniga waan ka faaiiday  Baaritaankii la ii sameeyay waxaana mahada iska leh ilaahay  Marka labaad Dr xalaal Iyo Dhaqaatiirka kale ee la socota. balse waxa aan leeyahay Dadka Wax garadka ah ee ku nool Ceelbaraf in ay qadariyaan shaqada uu Dhaqtarka u Hayo Bulshada ayna Ka Faaideeystaan.

Hadii Maanta aan Muqdisho aadi lahaa waxaa aan Bixi lahaa Qarash aad u  badan Ugu yaraan 200$ lakin Nasiib Wanaag Dr Xalaal ayaa halkaan ka helay. Waana dhaqtarkii aan u safri lahaa,

Mide kale Waxa aan leeyahay Dhaqtarka Waxa uu Naga Mudan yahay Xushmad Waayo Shaqadiisii Muqdisho ayuu inoo Keenay Halkaan ,Waxaana uu Naga Mudan Yahay In loo Hambalyeeyo.

Dhanka kale Shaqada Dhaqtarka Waxaa Garan kara kaliya qof Xanuunsan Oo Caafimaad Doon ah balse ma garan karo Qof ordaya  ee Caafimaad qaba Haddana Dr Xalaal Waa Dhaqtar indhaha Waxaana Garan Kara Qof Indhaha Ka Xanuunsan ama Indho la. ee aan Ilaahay Iyo Umadiisa Gar-gaarka u Baahan aan Ka Xishoono. Sidaan ayaan Dhihi lahaa” ayuu Yiri.

Ugu dambeeyntii Shaqada Dhaqtarka waxaa aad u soo dhaweeyay Dadka Ku Nool Degmada Ceelbaraf Sida Waxgaradka ,culimaudiinka ,dhalinyarada ,haweenka iyo Dhamaan qurbojoogta ,waxaana ay dhaqtarka ugu duceeyeen shaqada uu u hayo dadka iyo deegaankiisa .

No photo description available.

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*