July 28, 2021

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo shaaciyay dhibaato kajirto degmada Cadale

July 22, 2021 M.Jo 0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in degmada Cadale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ay wajaheyso caqabado farabadan, isla markaana ay u baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto.   Cali Guudlaawe oo ku sugan degmada Cadale ayaa sheegay in ay kajirto bahi badan oo u baahan in la iska kaashado sida, Caafimaadka, waxbarashada, dhismaha wadooyinka & Garoon Diyaradeed. “ Degmada Cadale waa degmo tariikhi ah hadana dhibaatooyin farabadan ayaa kajira, marka waxaa ay u baahan tahay in wax badna laga qabto oo loo ekeeysiyo degmo ay kasoo jeedaan Saddex Madaxweyne ayuu yiri” Madaxweynaha Hir-Shabeelle. Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay bahiyaha kajira degmada Cadale ay muhiim tahay in la xaliyo, taas oo ay ugu weyn tahay in aysan jirin wadooyin loo maro. Hadalkan ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxaa uu sheegay xilli Maanta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe uu kusoo dhaweeyay Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo dib ugu laabtay magaalada Garowe

July 22, 2021 M.Jo 0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland kadib safar dalka dibadiisa ah. Saciid Deni Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Wakiilada , Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno iyo mas’uuliyin kale. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa waxa uu booqday dalka Kenya waxaana soo baxayay maalmihi la soo dhaafay inuu Saciid Deni doonayo inuu isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha dalka.  

Itoobiya Oo Hishiis milateri la gashay Ruushka

July 13, 2021 M.Jo 0

Dowladaha Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi milatari ka dib wadahadal saddex maalmood qaatay, sida ay sheegtay warbaahinta Fana News. Waaxda dhaqaalaha ee ciidamada difaaca ee Itoobiya ayaa saxiixay heshiiskan, kaas oo ay ku sheegtay inuu sare u qaadi doono “xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.” Heshiiska ayaa sida la sheegay diirada lagu saari doona kor u qaadida aqoonta, difaaca, iyo awooda farsamada ciidamada difaaca. Sidoo kale Siyaasada arrimaha dibada ee Itoobiya ayaa dhawaan u wareegtay dhanka Ruushka iyo Shiinaha taas oo ka dhalatay cadaadis xoog leh oo kaga yimid dhanka dawlada Maraykanka oo ku aadan dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray. Bishii May, taageerayaasha ra’iisul wasaare Abiy Ahmed waxay sameeyeen mudaaharaad looga soo horjeedo Mareykanka oo ka dhacay caasimadda, Addis Ababa, iyo waddamada reer galbeedka, iyagoo ku cambaareeyay madaxweyne Joe Biden. Dhanka kale Dibadbaxayaasha ayaa u sacab tumay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping. Maamulka Biden ayaa xayiraad ku soo rogay fiisooyinka iyo kaalmada dhaqaale ee dowladda Itoobiya dagaalka.

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lala eegtay Qarax

July 13, 2021 M.Jo 0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda oo qarax xoogan lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ee laga hago Remote Control-ka ayaa waxaa Ciidanka uu ku qabsaday wadada dheer ee xiriirisa deegaannada Buula Mareer iyo Golweyn, xili ay halkaas socdaal ku marayeen, iyagoo kusii jeeday Buula-mareer. Inta la xaqiijiyay Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo lagu sheegay inuu ahaa nin Turjumaan u ah Ciidamada la qarxiyay. sidoo kale waxaa ay ku warrameen in qaraxa kadib ay Ciidanka fureen rasaas farabadan oo dadka deegaanka Golweyn ay maqlayeen, waxaana markii dambe halkaas isaga tegay oo horey u qaaday Meydka iyo dhaawaca Ciidanka AMISOM. Al-shabaab oo qaraxa ka dambeysay ayaa sheegtay in Ninka Turjumaanka ee dhaawaac soo gaaray lagu magacaabo Maxamed Dheere, waxaana dhowr jeer sidaan oo kale ay Shabaabka qaraxyo kala [Sii aqri]

Maamulka Jubbaland “Waa in laga Hortagaa Kooxaha Amni Darada Ka Wada Jubbaland “

July 13, 2021 M.Jo 0

Shir ay isugu yimaadeen laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo shir gudoominayey Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka dalka. Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa digniin adag kasoo saartay la Macaamilka Argagixisada Al Shabab, Digniinta ayaa si gaar ah u quseysa odayaasha dhaqanka oo la faray in aysan wax wada shaqeyn ah la yeelan karin Al-Shabaab xilli loo diyaar garoobayo Doorashooyinka Dalka Sidoo kale Shirka ayaa Waxaa lagu go’aamiyey in la joogteeyo shirarka amni ee maalinlaha ah oo ay yeeshaan Hay’addaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.    

Maxkamada Ciidamada oo xukun ku ridey rag fal burcadnimo lagu helay

July 13, 2021 M.Jo 0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Rag lagu helay inay si farsameysan dadka ku nool Magaalada Muqdisho dhac ugu geysan jiray, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cabdifitaax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan. Xafiiska xeer ilaalinta Soomaaliya ayaa Cabdifitaax Cali Cumar ku eedeysay in loogu helay in isaga oo wata Gaari nooca raaxada ah uu si farsameeysan dadka uga dhici jiray Mobeelada, halka Nuur Cali Xasan loo heysto inuu iibgeyn jiray Taleefoonada laga soo dhaco shacabka Soomaaliyeed. Cabdifitaax Cali Cumar oo lagu soo eedeeyay dhaca ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sida farsameysan uu dadka u dhici jiray, isagoona shaaca ka qaaday in habka uu wax u dhici jiray uu kasoo min guuriyay Filim Hindi ah oo uu daawaday. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaan uu ku cadaaday dambiyada lagu soo eedeeyay, waxaana Cabdifitaax Cali Cumar lagu xukumay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Nuur Cali Xasan lagu xukumay 2 sano oo Xabsi Ciidan ah.    

Xulka Italy oo iska Xaadiriyay Finalka Euro 2020, kadib Rigoorayaal ay uga badiyeen Spain.

July 6, 2021 M.Jo 0

Xulka Italy ayaa iska xaadiriyay Finalka Euro 2020 kadib guul ay ka gaareen Xulka Spain kulan ka dhacay Garoonka Wembley oo leesla la gaaray rigoorayaal. Qeybta hore ee ciyaarta labada xul ayaa soo bandhigay kubado sare waxana dhoor fursad iska lumiyay xulka Spain kuwaasi oo dhanka baasaska kaga feecanaa dhanka Italy waxana lagu kala nastay goolal la’an. Xulka italy ayaana hogaanka ciyaarta qabtay daqiiqadii 60aad markii xidiga Federico Chiesa uu kubad qurux badan dhex dhigay shaqaba, Spain ayaana heshay goolka bar-baraha Daqiiqadii 80aad Alvaro Morata ayaana kubad dhinaca bidix ka dhigay Goolhayaha Italy kadib markii uu caawan ka helay Daniel Olmo guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-1 waxana lagu daray xili dheeraad ah iyadoo 30 daqiiqo ay ku soo dhamaatay goolal la’an. Ugu dambeyntii xulka qaranka Italy ayaa u gudbay filakna Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020, kaddib markii rigoorayaal 4-2 uu kaga adkaaday dhigiisa Spain kulankii afar dhammaadka ahaa ee tartankan.      

Al-Shabaab oo dib ula wareegay degmada Bacaadweyn & Ciidankii Galmudug Oo is….

July 6, 2021 M.Jo 0

Al shabaab ayaa la soo sheegayaa iney dib ula wareegtey gacan ku haynta magaalada Bacaadwayne ee gobolka Mudug saacado ka dib markii ay saaka halkaas qabsadeen ciidanka dawlada iyo kuwa Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab  ay galabta weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen degaanka Bacaad-weyne Dagaal culus oo labada dhinac dhexmarey ilaa caawo maqribkiina soo gaarey ayaa sababey in ciidanka dawlada iyo kuwa Galmudug ay dib  oga soo baxaan degaanadii ay saaka qabsadeen oo ay ku jirto Bacaadweyn. Dagaallo saacado badan qaatay kadib ayay ciidamada wilaayada islaamiga ah ugu suurtagashay in ay dib ula wareegaaan gacan ku haynta degmada Bacaadweyne” ayaa lagu yiri war ay soo saartay Al-shabaab oo lagu baahiyey baranaha ay kooxdaas ku leedahay internetka. Al-shabaab ayaa sidoo kale guulo ka sheegatay dagaalo kale oo ay sheegeen iney isla galabta ka dhaceen duleedka degaanka Wisil ee gobolka Mudug, iyagoo xusay iney qabsadeen tuulada Qaycad, ayna ciidamada Galmudug ka gubeen gaadiid dagaal. Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay degaanka Bacaad-weyn iyo degaano kale oo ka [Sii aqri]

Guddoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafaadka ee heer Federal oo la doortay

July 6, 2021 M.Jo 0

Guddiga xalinta Khilaafaadka ee heer Federal ayaa Maanta kulankii ugu horreeyay waxaa ay ku yeesheen Teendhada Afisyooni eexeyndaabka Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoona doortay Guddoomiyaha Guddigaas. Doorashada Guddoomiyaha Guddiga xalinta Khilaafaadka ee heer Federal ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Cabdullaahi Abyaan Nuur iyo Cali Maxamuud Faarax ( Cali Zeko) oo ka tirsan Guddiga. Cabdullaahi Abyaan Nuur ayaa ku guuleystay oo loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Guddiga xalinta Khilaafaadka oo helay 14 Cod, halka iyo Cali Maxamuud uu isna helay 7 Cod, waxaana kulanka goobjoog ka ahaa 21-xubnood. Duhurnimadii Maanta Guddiga doorashooyinka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Magaalada Muqdisho ku doortay Guddoomiya Guddiga iyo ku-xigeenkiisa, waxaana Guddoomiye noqday Cabdixakiin Muuse Maxamed oo helay codad gaaraya 11 Cod. Shalay ayey aheyd markii Guddiyada doorashooyinka maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay doorteen Guddoomiyeyaasha Guddiyada iyo ku-xigeenadooda, kadib kulamo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Jabhadda TPLF oo Makelle ku soo bandhigtay kumanaan Maxaabiis ka tirsan ciidamada Itoobiya

July 3, 2021 M.Jo 0

Kumanaan maxaabiis Itoobiyaan ah oo dagaal lagu soo qabtay ayaa lagu Soo Bandhigay Caasimada gobolka Tigray ee Makelle Maalintii jimcaha la Soo dhaafay. Dad aad u farabadan ayaa isugu soo baxay jidadka lagu soo bandhigayey maxaabiista kuwaasoo ku faraxsanaa sida loo jebiyey ciidamada dowlada Qaar badan oo maxaabiista ka mid ah ayaa madaxa foororiyey iyagoo indhahoodu hoos eegayaan Qaarkood oo dhaawac ahaa waxaa lagu waday bareelo, qaarna waxay xirteen faashad dhiig cusub leh.   Jabkii degdega ahaa ee ciidamada Itoobiya wuxuu ahaa mid si la yaab leh looga badalay dagaal sokeeye oo sababay barakaca ku dhowaad laba milyan oo qof oo ku dhaqnaa gobolka Tigray, gaajo baahsan iyo warbixinno sheegaya in dadka shacabka ah loogaystay xadgudubyo iyo rabshad galmo ayaa halkaas laga soo sheegayey bilihii la dhaafay Soo bandhigida Maxaabiista ayaa waxay weji gabax ku tahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo khudbad ka jeediyay talaadadii caasimada Addis Ababa ku sheegay in wararka sheegaya guuldarada ciidamadiisa ay yihiin “been”. Wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah, sababo la xiriira arrimo bani’aadamnimo. HOOS KA DAAWO SAWIRADA [Sii aqri]

1 2 3 117