July 28, 2021

Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo gaaray Kismaayo

July 28, 2021 F.G 0

Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkaadka doorashooyinka Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka ayaa gaaray magaalada Kismaayo. Xubnaha wafdiga uu hoggaaminayo guddoomiye Abyan oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxa ujeedka safarkoodu uu la xiriiraa sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada Aqalka Sare ee la filayo in berri ay ka bilaabato magaalada Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shaaciyay dhawaan qeyb ka mid ah musharaxiinta kuraasta Senatarada Aqalka Sare ee lagu dooranayo magaalada Kismaayo. Guddiga doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa bilaabay maanta inay qabtaan araajida xubnaha musharaxiinta doorashada Aqalka Sare.

Weerarada Internetka Oo Ku Soo Xoogeeysanaya Mareekanka Iyo Biden Oo ka hadlay

July 28, 2021 F.G 0

Dagaalka dhinaca Internetka ee lagu qaadayo shirkadaha Mareykanka ayaa sii kordhay, waxa ayna weeraradaasi ka Xanaajiyeen Madaxweynaha dalka Mareykanka oo Joe Biden oo digniin u diray dowladaha Ruushka iyo Shiinaha. Koox burcad dhinaca Internetka oo la tuhmayo in saldhig u yahay dalalka Shiinaha iyo Ruushka ayaa weeraradii u dambeeyay ku qaaday Shirkadaha Sirdoonka Mareykanka iyo kuwa Online ka ku shaqeeya ee SolarWinds, Colonial Pipeline, JBS, Kaseya & kuwo kale. Burcada Internetka ayaana ku guuleesatay in ay xayiraan qaybta adeeg dalbashada tooska ah ee shirkadahaasi, waxa ayna  taasi sababtay in qiimo koror ku yimaado Shidaalka & Hilibka gudaha Mareykanka. Madaxweynaha dalka Mareykanka oo Joe Biden, ayaa sheegay in dowladiisa indhaha ka qabsan doonin weerarada dhinaca Internetka ee lagu hayo, waxa uuna ku hanjabay in dowladiisa qaadi doonto talaabooyin deg deg ah oo ka dhan ah arintan. Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanka awood u leeyahay in ay kahor tagaan weerarada burcada Internetka sidoo kale kadaba tagaan, waxa uuna digniin adag u diray burcada Internetka ee fadhigoodu yahay Shiinaha iyo Ruushka. Dowlada Mareykanka ayaa inta badan weerarada [Sii aqri]

Dowlada Maraykanka oo Soomaaliya ugu deeqay 199 Malyan oo Dollar

July 28, 2021 F.G 0

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay gargaar lacageed oo dhan 199 Malyan oo dollar ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa qaxootiga ku ah qaar ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya. Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa qoraal ka soo baxay waxaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ku kordhinayso lacag dhan ku dhawaad 199 milyan oo dollar, kaalmada bani’aadannimo ee ay sannadkaan ugu deeqday shacabka Soomaaliya siisay. Mareykanka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay isu biirsadeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin sannado badan oo cunto-yari ah, qalalaaso iyo abaaro iyo fatahaado soo noqnoqday, taasoo ay uga sii dartay saameynta COVID-19 iyo ayax dhawaan ku habsaday dalka. Deeqdaan lacageed ayay dowladda Mareykanka dadka Soomaaliyeed u sii marsiisay Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Mareykanka ee loo soo gaabiyo (USAID) iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda. Waxana tani ay ka dhigeysaa in guud ahaan sanadkaan 2021-ka ay dowladda Mareykanka ugu deeqday dadka Soomaaliya lacag ka badan $408 milyan oo doolar. Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in lacagtaan lagu caawin doono dad gaaraya lix [Sii aqri]

Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo ku wajahan Kismaayo

July 28, 2021 F.G 0

Guddomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur iyo xubno kale oo guddigaasi katirsan ayaa goordhaw u ambo baxay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Xubnahan katirsan guddiga xalinta khilaafaadka ee heer federaal ayaa ujeedka ay u aadeen magaalada Kismaayo lagu sheegay in ay goob joog ka noqdaan doorashada Aqalka sare ee lagu wado in Kismaayo ka bilaabato. Magaalada Kismaayo waxaa horey ugu sugnaa Guddomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Cirro iyo xubno kale oo guddigaas katirsan kuwaa oo iyana goobjoog ka noqon doona doorashada aqalka sare ee Jubbaland. Maamulka Jubbaland ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee qabta doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka, waxaana la filayaa in doorashada Aqalka sare Kismaayo ka bilaabato beri oo ku beegan 29-ka bisha July.

Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Oo Magacaabis Sameeyay

July 28, 2021 F.G 0

Agaasimaha hay’adda nadasugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa magacaabay Madaxa Shaqaalaha NISA, kadib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore ee xilkaas haayay Cabdullaahi Kulane. Agaasime Fahad Yaasiin ayaa Cabaas Yacquub u magacaabay Madaxa Shaqaalaha hay’adda nadasugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, isagoo bedelaya Cabdullaahi Kulane oo uu xilka qaadis ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Rooble. Cabaas ayaa ka mid ahaa hoggaanka sare ee NISA, waxaana uu haayay xilka Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada hay’adda, waana ninka loo badinayo inuu noqon doono Kusimaha Agaasimaha hay’adda NISA, sida la sheegay. Magacaabista Cabaas Yacquub ayaa ka dambeeysay, ka gadaal markii Ra’iisul Wasaare Rooble xilalkii uu ka qaaday Cabdullaahi Kulane oo ahaa Taliyaha Shaqaalaha NISA iyo Taliyihii nabadsugida Garoonka Aadan Cadde, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay jebiyeen amar uu soo saaray Rooble.

Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku Xigeen Cusub Oo Loo Magacaabay

July 28, 2021 F.G 0

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle. Maxamed Sheekh Maxamuud (Dhoobeey) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan Hiiraan,halka guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan loo magacaabay Ducaale Aadan Cabdi. Maamulka HirShabelle ayaa inta baddan waxa uu bedela maamulada degmooyinka gobolka Hiiraan iyadoo lagu eedeeyo inuusan waxba ka bedelin maamulada ka jira degmooyinka gobolka Sh/dhexe. Dhawaan ayaa guddoomiye cusub loo magacaabay degmada Buuloburte ee isla gobolka Hiiraan. Hoos ka Akhriso   

Xaaladihii Ugu Dambeeyay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalka Soomaalida Iyo Canfarta

July 28, 2021 F.G 0

Ku dhawaad 40 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay colaadda maalmihii u dambeeyay ka socotay deegaanka Garba Ciise, sida ay sheegayaan wararka laga helayo aaggaas. Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay tiro dad ah. Shaley ayay aheyd markii halkaas uu dib uga qarxay dagaal qaraar oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta. Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran. Arrintan ayaa imaanaysaa kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.

R/Wasaare Rooble oo gaaray London Iyo Kulamo Halkaasi ka socda

July 27, 2021 F.G 0

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska, halkaas oo uu uga qeyb geli doono shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax Dowladeed, daneeyayaasha arrimaha waxbrashada iyo hoggaamiyeyaasha dhalinyarada ,iyada oo xoogga lagu saari doono horumarinta nidaamyada waxbarashada ee dalalka ka qeybgalaya shirka. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madobe oo soo saaray qeyb ka mid ah liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

July 27, 2021 F.G 0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gudbiyay liiska Musharaxiinta qeyb ka mid ah Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Xubnaha la soo gudbiyay ayaa ah afar kursi oo lagu tartami doono, waxaana dib ugu soo laabtay Tartanka Senator Fartaag, Ilyaas Gaboose, iyo Senator Iftin Xasan Baasto. 1- Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac. 2- Xalimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cismaan 3- Ilyaas Badal Gaboose, Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaarke Maxamed Cabdi 4- Ibraahim Yacquub Ismaaciil iyo Iftin Xasan Iimaan.  

Galmudug Oo Bilabay Kulmo Amniga Doorashooyinka kana dhacay Dhuusamareeb

July 27, 2021 F.G 0

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shir guddoomiyay shirka amniga doorashooyinka Galmudug ee dhacaya Magaalada Dhuusamareeb. Shirka waxaa ka qeyb galay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada amniga iyo kuwa AMISOM Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug iyo xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka heer Dowlad Gobaleed iyo maamulka Caasimada. Shirka waxaa looga hadlay sugida amniga doorashooyinka dhawan ka dhici doona guud ahaan dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug. Taliyaha Booliska Galmudug Gen Khaliif ayaa Madaxweyne ku-xigeenka ugu warbixiyay sida ay ugu diyaar garooben sugida Amniga Doorashoyinka Galmudug ka dhacaya gaar ahaan Caasimada Dhuusamareeb iyo Magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa ku boggaadiyay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug sida ay ugu diyaar garobeen Doorashada waxana u faray in la si labo jibaaro dadaalada logu diyaar garobayo Doorashada Galmudug “Sida aad wada ogtihiin Galmudug waxay ku jirta dagaal ka dhan ah Al-shabaab waxan go,aansanay in gacana aan Al-shabaab ku suulino gacana aan Doorasho ku galno” ayu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid.

1 2 3 896