June 13, 2021

SAWIRO:Dr Axmed Xalal Oo Si Wanaagsan Uga Shaqa Bilaabay Isbitaalka Guud ee Degmada Ceelbaraf

June 13, 2021 F.G 0

Sida aan Wararka Ku Heleyno ayaa Sheegay in Degmada Ceelbaraf ee G/SH/DHEXE uu Shaqo Caafimaad ah uu ka Bilaabay Dr , Axmed Maxamed (Dr Xalaal) Iyo Dhaqaatiir kale Oo la socday . Dr , Axmed Maxamed (Dr Xalaal) Ayaa Si Rasmi ah uga Shaqa Bilaabay Isbitaalka Guud ee Magaalada Ceelbaraf  Taarikhda Marka aheeyd   12/6/21 .  Sida ay Warbixintu  Sheegtay Dhaqtarka ayaa baaritaan Caafimaad dhanka Indhaha Iyo Qaliino ku sameeyay Bulshada Ku Nool Degmada Ceelbaraf Iyo Deegaanada Ku Dhaw-dhaw. Mid ka mid ah shacabkii ka faaideeystay Dr Xalaal ayaa Yiri”Marka hore Aniga waan ka faaiiday  Baaritaankii la ii sameeyay waxaana mahada iska leh ilaahay  Marka labaad Dr xalaal Iyo Dhaqaatiirka kale ee la socota. balse waxa aan leeyahay Dadka Wax garadka ah ee ku nool Ceelbaraf in ay qadariyaan shaqada uu Dhaqtarka u Hayo Bulshada ayna Ka Faaideeystaan. Hadii Maanta aan Muqdisho aadi lahaa waxaa aan Bixi lahaa Qarash aad u  badan Ugu yaraan 200$ lakin Nasiib Wanaag Dr Xalaal ayaa halkaan ka helay. Waana dhaqtarkii aan u safri lahaa, Mide kale Waxa aan leeyahay Dhaqtarka [Sii aqri]

Wasiir Dubbe Jowhar maxaan ku soo arkay?

June 8, 2021 F.G 0

Khamisitii la’ soo dhaafay waxan kamid ahaa wefdi culus oo uu hoggaaminayey Raisal Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble, ujeedada wefdigu waxa ay ahayd bal in madaxda xukuumaddu indhahooda ku soo arkaan dhibaatada uu geystay Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Jowhar iyo hareereheeda. Magaalada Jowhar waa caasimadda Maamul Goboleedka HirShabeele, waana caasimadda maamul goboleed ee ugu dhow Caasimadda Federaalka ee Muqdisho, Jowhar iyo Xamar waxay isu jiraan 50 Mayl oo u dhiganta 90KM oo keli ah. Haddii aan dib ugu yara laabto taariikhda magaalada: Jowhar waxa lagu tiriyaa in ay tahay magaalooyinkii ugu horreeyey dhulka Soomaalida ee aan xeebaha ahayn ee magaalooba. Quruxda iyo hodantininadeedu waxay sanadkii 1905 soo jiidatay Amiirkii Reer Boqor ee Talyaaniga ahaa ee Abruzzi, Amiirkaas oo magaaladan si weyn u caashaqay ugu dambayntiina degey illaa uu ka geeryoonayey. Jowhar waxay kaga hormartay magaalooyinkii kale ee dhiggeeda ama da’deeda ahaa Talyaaniga oo arkay muhiimaddeeda iyo nimcada Rabbi ku mannaystay, iyo dadkeeda oo ah dad tacab badan. Abruzzi iyo asxaabtiisii ayaa sabab u ahaa maal-gelin badan oo Talyaanigu ku sameeyey Jowhar iyaga [Sii aqri]

Jowhar,Balcad,Mahadaay, Waa Deegano Go,doonsan Dowlada Somaliya Oo Si Qabyaaladeeysan Uga Amusan

May 22, 2021 F.G 0

Sida la wada Ogsoonyahay Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaano Ka Tirsan G/SH/DHEXE  dhinaca Koofur Bari iyo Waqooyi Bari caasimada dowlada goboleedka Hirshabelle ee Jowhar. fatahaada Wabiga Shabelle ayaa saameyn Xoogan  Ku Yeeshay Dhamaan Waddooyinka Soo Gala Caasimad Dowlad goboleedka HirShabelle Jowhar  Sidoo kale Waxaa uu sameeyn ku yeeshay Sida Xaafadaha ay Degan Yihiin Shacabka , goobaha ganacsiga,  Waxaana uu Kala Xeray Isku socodka Magaalooyinka Jawhar,Balcad Iyo Jowhar Mahadaay . Balse Halkaan Laguma Soo koobi karo Khasaarooyinka ka dhashay Fatahaada Wabiga Shabelle.   Dhanka Kale Dowlada Federaalka ayaan Wax Gurmad ah u Fidin Dhibaatooyinka Ka Taagan Deegaanada HirShabelle.  Sidoo Kale  Xukuumada Xilgaarsiinta R/Rooble Marna Kama uusan Hadlin  Sidoo Kale Wasaarada Gargaarka Musiibooyinka Iyo Maareynta Kama aysan Hadlin Dhibaatada Ka Taagan HirShabelle Waana Nasiib Daro Taagan . Mana ahan Markii ugu Horeeysay Oo ay Ka aamusaan Markasta Oo ay Dhibaato Soo Wajahdo Gobolka Sh/dhexe Kama Hadlaan.   Sidoo kale Maamulka HirShabelle Uga Jawaabin Sidii la Rabay Dhibaatada Ka Taagan Gobolka Sh/Dhexe. Waxaana uu Ka Gaabiyay Mas’uulayadii ka saarneed Shacabka Iyo Deegaanka . Mid ka Mid ah [Sii aqri]

Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May

May 15, 2021 F.G 0

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa waa dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo ku yimaada dhanka ilbaxnimada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.   Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro (13) oo wax bartay,kuna mideysan Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka Umaadda iyo baadigoobka xornimo dhameystiran oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed. Aasaasayaashii Ururka SYL C/qaadir Sheekh Sakhaawadiin Guddoomiye Yaasiin Xaaji Cismaan Sharmaake Maxamed Xirsi Nuur (Sayidiin) Xaaji Maxamed Xussen Mahad Cismaan Geedi Raage Dheere Xaaji Dheere [Sii aqri]

Sheekh Shariif ” Guddaha Dalka Soomaaliya Ayuu Doorasho Dhaxal Gal ah Ku Qabtay “

May 10, 2021 F.G 0

Kow iyo labaatan (21) sano oo dowladnimada Soomaaliya, dibad wareeg dalka bannaankiisa lagu dooddo aheyd. Kow iyo labaatan sano oo Djibouti, Addis Ababa, Sanca, Qaahira, Djibouti, Mbagathi/Eldoret/Nairobi, iyo Djibouti markale loo dhaxeeyey ayuu kusoo afmeeray in Madaxweynaha Soomaaliya, lagu doorto ciidda Soomaaliya dusheeda iyo calanka Soomaaliya, hoos tiisa. Saddex (3) sano iyo todobo (7) bilood oo keliya ayuu sheikh Sharif Sheikh Ahmed , oo Djibouti lagu doortay January 31, 2009 ku meel mariyey in Madaxweynihii asaga xigay Muqdisho, lagu Doortay. Afar iyo toban bilood (14) oo kamid ah saddexda sano iyo dhowrka bilood, ayuu ku hirgaliyey in dowladnimada Soomaaliya, oo kumeel gaar, gobonimadeedu kala dhantaalantahay ku dhammeystiray in ay noqoto dowlad rasmiya oo ka baxda ku meel gaarnimada, dalkana gaarsiiyey dowladnimo iyo gobonimo taam ah oo Soomaaliya, kula tartami karto asaageed. Rajo Cabdiqaasim Salaad, oo August 27, 2000 loogu duceeyey Carta, iyo Cabdullaahi Yuusuf, oo October 10, 2004 Nairobi, lagu doortay, riixi kari waayeen ayuu rucle orad Xamar, uga rumeeyey in September 10, 2012 dalka gudahiisa doorasho ka dhacdo. Ma ahayn howl sahlan. Sida ay [Sii aqri]

Biyo La Waayay Waysaa Lagu Raadshaa(Dr. Mohamed Hussein ALasow

May 6, 2021 F.G 0

In badan dadka Soomaaliyeed ayaa weedhaan aan qormada ugu magac daray ka isticmala meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed, Weedhaan ayaa ujeedka macnaheedu yahay waxii aad si toos ah ku wayso ku raadi si kale oo ay dadku kugu taageeraan. “Badanaa waxaa loo isticmaalaa dadka ogsoon in aan la siineynin shay rabitaankiisu ku waynyahay basle dadka ugu beer jileecsado arin kale oo muhimad gaar ah leh kaasoo mudan la isku taageero”. Tusaale “Waxaa dhici karta adoo raba biyo aad kaga meerato ama iskaga dhaqdo bus/siigo iyo dhidid kaa soo gaaray safar ama hool adag balse aad ka baqday in laguu diido biya aad ku meerato ayadoo loo arkayo inaad ku ciyaareeso ama aad u isticaamleeso wax aan muhiim aheyn maadaama biyaha ay gabaabsi noqon karaan, si aadan u wayn ayaa waxaad ku qancin kartaa dadkaas inaad waydiisato biyo aad ku waysa qaadato taaso si fudud kaaga aqbali karaan maadaama ay tahay arin muhiim ah oo mudan in la isku taageero isla markaasna aad biyahaas u isticmaasho dantaadii hore oo aheyd inaad ku meerato [Sii aqri]

Farmaajo Riyadiisii Oo Run u Naqatay Iyo Musharaxiinta aan Ka Hadlin Safarka Kaligii Taliye Farmaajo

April 19, 2021 F.G 0

Tan iyo Markii uu waqtiga ka dhamaaday Maxamed Farmaajo ayaa ku dhaqaayay Arrimo ku dhiiro gelinayo in ay u rumoowdo riyadiisa waxaana ka mid ah 1;Waxa uu kala diray madaxdii maamul goboleedyada uga socday shirka magaalada muqdisho. 2; waxaa uu amray in waqti loogu daro 2 sano ah, Asigoo Cunaqabateen ku soo rogay Xildhibaanada Diidanaa in ay ka hadlaan Muddo kordhin loo sameeynayo, Waxaana uu ka joojiyay in ay ka qeeyb galaan kulamadaasi. 3:Waxa uu weeraro daandaansi ah ku qaaday Madaxdii Hore Iyo Siyaasiyiin ka soo Horjeeda Maamulkiisa ee waqtiga ka dhamaaday , 4:Waxa uu weerar xoogan ku qaaday Taliyahii G Banaadir Jeneral saadaq john Inkastoo uu awood uusan maleeysan ay ka hortimid Hase ahaatee Waxaa uu weerarka u bedelay dhinaca waqooyiga Muqdisho Asigoo Xalay ay Ciidankiisa weerar gaadmo ah ku qaadeen Taliahii Hore NISA Jenaral Tuuryare, 5:Farmaajo Waxa uu waday Muddo badan In uu Ka Taqaluso Saraakiisha Ciidamada uusan Adeegsan karin Asigoo ku dilay qaar Qaraxyo ,Halka Kuwo kale ka dhigay Howlgab  aan shaqeeyn, Waxaana uu Amarada Ciidanka Hoos geeyay Saraakiil ay isku beel [Sii aqri]

Jenaral Koronto”Farmaajo Kama Yeeleeyno Biixi Iyo Xijaar Waa Dhalinyaro Kuwiina Waa Beeshin”

April 13, 2021 F.G 0

Waxaa magaalada Muqdisho Shir Jaraaid ku qabtay Genaral Maxamuud Macalim Koronto Waxaana uu kaga Hadlay Xaaladaha Siyaasadeed ee ka soo Cusboonaaday magaalada Muqdisho,Waxaana uu Si weeyn uga Horyimid Talaabdii ay qaadeen Baarlamaanka Waqtiga ka dhamaaday ayagoo Mudo kordhin u sameeyay Madaxweeynaha Waqtiga Ka dhamaaday Maxamed Farmaajo . Jeneraal koronto ayaa ka hadlay dhibaatooyinka laga dhaxlay madaxweeynaha waqtiga ka dhamaaday maxamed farmaajo Waxaana uu ku eedeeyay in uu Ciidanka Xoga dalka uu kala qeybiyay Si qabyaalad ah. Sidoo kale waxaa Jiray in uu Hubka ka ilaalin jiray Ciidankii uu Hogaaminayay Jenaral Koronto”Dagaal ayaan ku galnay Degmada Balcad  Hase ahaatee Farmaajo waxa aan ka codsanay Gawaarida Gaashaaman waana noo diiday Balse  Maantana waxa uu Ku Sii daabulayaa Gedo Hubkii uu Noo Diiday . Nasiib daro Waxaana uu Isku Hubeeynayaa laba Qabiil Oo Mareexaan ah Oo Beeshiisa,Waana Ka xumahay Dhibka uu ka wada dalka Farmaajo Waxaana Muhiim ah In la iska qabto. Dhanka kale waxa uu Naga Dhigay Howlgab Ciidan Waxaana uu Si Qabiileeysan uu u  Magacabay Biixi Iyo Xijaar Oo ah saraakiil Waayeel ah anagiina waxa uu [Sii aqri]

M/weynihii Hore HirShabelle”Inta ay Farmaajo Iyo Fahad Joogaan HirShabelle Villa Muqdisho Horumar Haka Sugin”

April 6, 2021 F.G 0

Tan iyo Markii la soo dhisay HirShabelle 2 ayaa Waxaa Soo If baxaya Mucaarado Xoogan Oo ay kala Hor imaanayeen Qaar ka mid ah beelaha degan HirShabelle . Dhawaan Waxaa Warbaahinta Hanoolaato la hadlay Madaxweeynihii Hore HirShabelle Maxamed Cabdi waare ayaa sheegay in HirShabelle lagu dulman yahay Maamul ahaan Waxaana Ka dhacay wax aan loo dul qaadan karin Doorashadii ka dhacday Dhawaan waxa ay aheeyd Boob Iyo Ku Tumasho Dhinaca Cadaalada. Sidoo kale Doorashadii ka dhacday Jowhar ma aheeyn mid lagu wada qanacsan yahay ee waxa ay aheeyd doorasho liis lagu soo qortay magacyo ah waxaana laga soo qoray Villa Muqdisho iyo NISA. Waxaa Cadeeyn kugu Filan Xildhibaan uu soo qoray nabadoonkiisii in si qasab ah looga saaray liiska laguna bedelay Guddomiyaha Barlamaanka HirShabelle ee Hadda Ku Fadhiya Kursiga. Dhanka kale HirShabelle Dowladii Farmaajo Iyo Kheyre  Ma aheeyn madax doonaysay in ay HirShabelle  Cagaheeda ku istaagto waxa ay ahaayeen kuwa lug gooynayay Oo aysan waxba u qabaneenin Hadii ay ahan laheeyd dhinaca mashaariicda. Xaqiiqda Muuqata Waxa waaye Degaanka Badhan Waxaa laga dhisay Jaamacada umada soomaaliyeed [Sii aqri]

XILDHIBAAN MAHAD SALAAD”SAAKAY MAXAA DHACAY. MAXAASE NALA GUDBOON?

March 31, 2021 F.G 0

SAAKAY MAXAA DHACAY. MAXAASE NALA GUDBOON? Isgoyska Dabka iyo Ceelgaabta oo ah irdaha Madaxtooyada laga galo marka loo socdo xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay nagula celiyay aniga iyo Xildhibaano kale oo u socday shirkii Golaha Shacabka. Ciidamada na celiyay waxay ahaayeen kuwa Booliska waxaana hoggaaminayay saraakiil qaraabada ah oo sida la ii sheegay xalay la soo xulay, malaha Farmaajo wuxuu islahaa hadii wax dhacaan kuwa dhimanaya iyo kuwa laga dhimanayo isku iyaga ha noqdeen. Ciidamada kale Fahad iyo Farmaajo ku talagaleena waxaa la ii sheegay in ay dhoobnaayeen irida Madaxtooyada ilaa Villa Hargeysa oo ah Xarunta Golaha Shacabka. Nasiib wanaag ciidamadii nala socday iyo kuwii meesha aan ugu nimid dad qaraabo ah oo isgaranaya ayay ahaayeen. Saraakiishii ciidamadaas watay waa noo yimaadeen, mana rabo in aan ka faalloodo wixii ina dhex maray lkn waxaan rabaa inaan u mahadceliyo, kuna amaano shaqada ay dalka u hayaan iyo fahamkooda ku aadan marxalada siyaasadeed iyo mida amni ee dalku ku suganyahay. Hadaan u soo laabto biyadhaca hadalkeyga markaan oo kale Soomaalidii hore waxay dhihi jireen “NINKII LOWGA KAA [Sii aqri]

1 2 3 38