June 13, 2021

Koobka Kubadda Kolayga ee Janaraal Daauud oo ka furmay Muqdisho

March 9, 2021 F.G 0

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay Koobka Janaraal Daauud ee Kubadda Kolayga ee Soomaaliya. Koobkan oo ay ka qeybgalayaan 9 kooxood diyaargarowgiisana uu socday muddooyinkii ugu dambeeyay, ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay in lagu tayeeyo ciyaartoyda kubadda kolayga ee dalka iyo in laga soo xulo ciyaartoyda xulka qaranka matali doonta, iyadoo ciyaartoyda qaarna ay dibadda ka yimaadeen. Waxaa galabta lagu furay Koobkan oo foodda is daray kooxaha Dekadaha iyo Juba Air, waxaana ay gusha raacday kooxda Dekadaha oo ku badisay 71 dhibcood halka Jubba air ay iyadana heshay 35 dhibcood. Waxaa berri wada cayaari doonaa kooxaha Heegan iyo Wacaaf. Koobkan oo la yirahdo koobka koobabka Soomaaliya ayaa waxaa la bilaabay sannadka markuu ahaa 72-dii. Waxa uu tartanka socon doonaa ilaa 12ka Abriil oo ah maalinta ay Milatariga Soomaaliya u dabaal degi doonaan aasaaskoodii.

SAWIRO:Laacibkii Hore ee Ciyaaraha NBA Stephen Jackson Oo Qaatay Diinta Islaamka

February 10, 2021 F.G 0

Xiddigii hore ee ciyaaraha NBA-da Maraykanka Stephen Jackson ayaa baraha bulshada ku shaaciyay inuu qaatay diinta Islaamka. Sidoo kale Waxaa uu uga mahadceliyay heesaaga Mareykanka Tone Trump taageeridiisa iyo sidoo kale haweeney reer Canada ah oo hibo u siisay rooga salaada. Wuxuu sheegay in dilka saaxiibkiis dhow George Floyd uu sidoo kale saameyn ku yeeshay go’aankiisa. ⁣ Wuxuu sidoo kale cajalad muuqaal ah soo dhigay baraha bulshada isagoo aqrinaya iclaamka islaamka ee shahaada. 42 jirkan ayaa baranayey diinta islamaka muddo dhowr bilood ah laakiin haatan si rasmi ah ayuu diinta islaamka u qaatay.⁣ Jackson, oo ka fariistay Xiriirka Kubadda Koleyga Qaranka (NBA) sanadkii 2015 ka dib 14 sano oo uu shaqeynayay, ma ahan ciyaaryahankii ugu horreeyay ee NBA ee diinta Islaamka qaata. Halyey Karem Abdul-Jabbar ayaa qaatay diinta islaamka sanadkii 1968 ka hor inta uusan galin NBA.

Messi ” Rikoor Dhigista Weli Way Socdaa”

January 28, 2021 F.G 0

Messi ayaa weli wada sameynta rikooro cusub oo ku soo kordhaya aayihiisa kubadda cagta Xalay waxa uu dhaliyay gool kulankii Barca ay 2/1 ku garaaceen kooxda Rayo Valcano oo ay ugu gudbeen wareegga 8-da ee Cope Del Rey . Shabakada xoogaha ciyaaraha qorta ee Opte waxa ay leeyihiin , Messi waxa uu dhaliyay 15 gool ugu yaraan 15 kii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay dhamaan tartamada Messi sidoo kale waxa uu goolkaas u noqday kiisii 15-aad ee xilli ciiyaareedkaan , waxa uu laacibkaan ciyaaray 23 kulan iyadoo uu ku dhaliyay 11 oo La Ligaha ah , sedex Champion-ka iyo gool Cope Del Rey ah Waxaa xusid mudan in Messi uu ka sara maray xiddigii hore Barcelona iyo Real ee Josep Samitier waxa uuna noqday laacibka ugu safashada badan tartanka Cope Del Rey iyadoo uu xalay ciyaaray kulankiisii 76-aad

Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Loo Soo Bandhigay Real Madrid

January 19, 2021 F.G 0

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa January. Olivier Giroud ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan bilihii ugu dambeeyay kadib markii uu ka baxay qorshaha Frank Lampard ee booska joogtada ah. Wargayska Defensa Central ayaa sheegaya in uu Giroud doonayo in uu isaga tago kooxda Chelsea xilli uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan Isla wargayska ayaa sheegaya in wakiilka xiddigu la xidhiidhay Real Madrid si uu ugu soo bandhigo saxiixa xiddiga khadka dhexe. Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayay u badantahay in ay Los Blancos u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga 34 jirka ah sabab la xidhiidha in ay iska fasexeen xiddiga Luka Jovic una baahnayn weeraryahan cusub.

Xulka Banaadir oo ku guuleystey tartanka ciyaaraha Maamul Goboleedyada iyo gobolka Banaadir

December 31, 2020 M.Jo 0

Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo tartankana ay ciyaarta kama dambeyska ah ay isugu soo hareen gobolka Banaadir iyo Galmudug iyadoo saacadihii ciyaarta ay ku dhamaatay barbaro 2-2 ah. Hase yeeshee labada xul oo loo dhigey rigoorayaal ayaa waxaa ku badiyay xulka Banaadir oo dhaliyay 3 gool halka xulka xulka Galmudug aysan gool dhalin.Goolhayaha xulka Banaadir Hanad ayaa qabtay saddex rigoore taasoo ka dhigtey ciyaarta mid ay xulka Banaadir ku guuleysatay. Ciyaarta kama dambeysta ah ee maanta la ciyaaray ayaa waxaa labada koox ay muujiyeen dadaal xoog leh iyadoo xulka Banaadir uu ku hormaray goolka hore balse marwalba la barbareynayay. Labadan xul oo isku guruub ahaa ayaa hore waxa ay ku kala baxeen barbarro 2-2 ah.Waxaana tartankan hore ugu haray xulalkii ka socday dowlad goboledyada Hirshabelle,Koofurgalbeed,Puntland iyo Jubbaland.

Xulka Gobolka Banaadir Oo u Soo Gudbay Finalka Tartanka Maamul Goboleedyada

December 29, 2020 F.G 0

Kulan ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo galabta ka dhacay garoomka Eng Yariisoow magaalada Muqdisho, isla markaana ah kulanka ugu dambeeya ee wareega afar dhamaadka ee tartanka ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Koonfur Galbeed. Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Koonfur Galbeed oo kala sitay hal ku dhigto ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin tartamada nuucaani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada. Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, waxaana cayaarta daqiiqaddii 41-aad gool u dhaliyay gobolka banaadir xiddiga  N0, 11aad u xiran Banaadir ee lagu magacaabo Nageeye Deeq, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1-0, oo ciyaarta ku hoggaminayeen Xulka kubadda cagta Banaadir. Daqiiqaddii 58-aad Ibraahim Ilyaas oo Xulka Banaadir u wata N0. [Sii aqri]

Tartanka kubadda cagta ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

December 28, 2020 F.G 0

Waxaa meel xasaasi ah maraya tartanka kubadda cagta ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Galabta waxaa foodda is dari doona oo uu kulan adag dhexmari doonaa Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir. Shalayna waxaa kulan xamaasad badan dhaliyay uu dhemaray maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug, waxaana 2-1 lagu garaacay Punland.

Tartanka Ciyaaraha Maamul Goboleedyada oo si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho

December 20, 2020 M.Jo 0

Tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa galabta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kulanka furitaankana waxaa wadda ciyaaray gobolka Banaadir iyo Dowlad Gobolka Galmudug oo ka tirsan groupka koowaad ee tartanka (Group A) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalaada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish), Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Xamsa Saciid Xamsa iyo guddoomiyaha xariirka kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab, ayaa si wadda jir ah u daah furay tartanka kubadda cagta ee maamulka goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo kulankiisii ugu horeeyey lagu ciyaaray garoonka Eng Yariisoow ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Kulankii furitaanka tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ay ka soo qayb galeen taageerayaal fara badan iyo mas’uuliyiin kala ayaa waxaa ku baratamay ciyaaryahanada Galmudug iyo Banaadir, oo nasiib u yeeshay furitaanka tartanka. Kulanka oo ahaa mid xiiso badan ayaa waxaa uu ku soo idlaaday barbaro 2-2 ah, oo ay ku kala adkaan waayen Galmudug iyo Banaadir.

Pogba ‘markasta waxa uu u Ciyaari doonaa Man Utd’

December 13, 2020 M.Jo 0

Paul Pogba ayaa sheegaya “in wax walba ay caadi u yihiin” isaga iyo Manchester United, waxa uuna ku adkaysanayaa in “100% uu ka qeybqaadanayo howsha kooxda”. Wakiilka ciyaaryahanka 27 jirka ah ee khadka dhexe uga dheela xulka Faransiiska, Mino Raiola, ayaa todobaadkii tegay sheegay in ciyaaryahanka “uusan ku faraxsanayn” naadiga ayna tahay “in koox kale uu u wareego”. Pogba ayaa ciyaaray dhammaan 90-kii daqiiqadood ee ciyaartii ay Sabtidii kooxdiisa barbaraha garoonka Old Trafford kula gashay kooxda Manchester City – iyadoo ciyaartaasna ay u aheyd middii lixaad ee horyaalka Ingiriiska ah ee ciyaarta lagu soo bilaabo xilli ciyaareedkan. “Marwalba waan dedaalaa marwalba waan u dedaali doonaa Manchester United, saaxiibada aan kooxda ka wada tirsannahay iyo taageerayaashuba,” ayuu Pogba ku soo qoray bartiisa uu ku leeyahay Instagram-ka. Bla bla [in la iska hadlo] wax muhiimad ah oo ay leedahay malahan. Mustaqbalku waa uu fog yahay, muhiimmadu waa maanta anigana 100% waxaan ka qeybqaadanayaa howsha kooxda! Marwalba waxaynu awood ku leennahay inaynu wadajirno.. wax walba waa ay inoo kala caddaayeen aniga iyo kooxdaba, taasna weligeed isma badalayso. “Marka [Sii aqri]

SAWIRO:Madaxweeyne Muuse Biixi Oo Soo Gebagebeeyey Tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland

November 16, 2020 F.G 0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa soo gunaanaday tartanka kubbadda cagta gobollada Somaliland oo maanta lagu soo gebogabeeyey garoonka Hargeysa Stadium, kaasoo ay ku guulaysteen xulkii ka socday gobolka Daad-madheedh. Biixi oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyaha ciidanka Booliska, madaxda gobollada Maroodi-jeex iyo Daad-madheedh, xildhibaanno, asxaabta xisbiyada qaar ka mida, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, ayaa daawashada ciyaarta kaga qayb-galay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium oo ay ku sugnaayeen kumannaan katirsan taageerayaal ah. Ciyaartan oo xamaasad iyo xiise gaar ah lahayd, ayaa ku soo dhammaatay laba gool oo ay la yimaaddeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Daad-madheedh iyo hal gool oo ay dhaliyeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Maroodi-jeex. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo uu u diray kooxda guulaysatay iyo midda kaalinta labaad gashay kaddib, waxa uu si guud u bogaadiyey dhallinyarada reer Somaliland, isagoo ka hadlay faa’iidooyinka kala duwan ee laga dhaxlo ciyaaraha. Muuse Biixi ayaa koobkii ay ku guulaysteen guddoonsiiyey xulka kubbadda cagta ee gobolka Daad-madheedh, isagoo sidoo kalena billado siiyey ciyaaryahannadii intii tartanku socday goolashii ugu badnaa [Sii aqri]

1 2 3 17