June 13, 2021

Ciidamada Punland Oo Khamri Farabadan Ayaa Maanta Lagu Burburiyey Goob Fagaare Ah

June 13, 2021 F.G 0

Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa Maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada Booliska ay ku guleesteen in ay soo qabtaan. Ciidamada ammaanka oo Howlgalo ay ka sameeyeen Magaalada iyo baraha Kantaroolada ayaa khamrigan gacanta ku dhigay, xili la qorsheeyay in la si qarsoodi ah loo geliyo Magaalada Boosaaso. Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari Gobolka G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in khamriga la gubay oo kaartoono lagu soo dhex qariyey lagu qabtay baraha Kantaroolada laga soo galo Magaalada. Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa boggaadiyay howlgalada looga hortegayo waxyaabaha maandooriya ee Khamriga, wuxuuna si Cad u sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabtay falkaas. Goobta lagu gubaayay Khamriga lagu qabtay Magaalada Boosaas ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda, Xeer ilaalinta iyo Saraakiil Ciidan.

Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Koofurgalbeed Oo u Isu Dhiibay Alshabaab

June 13, 2021 F.G 0

Alshabaab ayaa sheegtay in uu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Baraha taageera Alshabaab ayaa lagu daabacay sawirka iyo magaca sarkaalkan oo lagu sheegay Col. Mustaf Xasan Axmed kaasoo gaaray deegaanka Garasweyne oo ka tirsan gobolka Bakool. Alshabaab ayaa ku macneysay sababta uu isu soo dhiibay sarkaalkan inay tahay isagoo ka carooday dhibaatada ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Koonfur Galbeed. Col. Mustaf Xasan ayaa sidoo kale ballan-qaaday, in uu wixi hadda ka dambeeya ka-barbar dagaallami doono Al-shabaab, si degaannada Koonfur Galbeed looga saaro ciidamada Itoobiya. Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada dagaalamayaasha Alshabaab iyo weliba sidoo kale war ka soo baxay maamulka Koofurgalbeed.

Gaadiid Farabadan Oo Xamuulka Qaada Ayaa Ku Xaniban Degaano Ka Tirsan Puntland

June 13, 2021 F.G 0

Gaadiid farabadan oo nooca xamuulka qaada ayaa waxaa maalmo dhowr ah ku xaniban yihiin Kastamka deegaan lagu magacaabo Alxmadulilaah oo ka tirsan Gobalka Karkaar ee Maamulka Puntland. Qaar kamid ah gaadiidleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shan maalmood ay ku xariyan yihiin Kastamka, isla markaana gaadiidka oo wada agaybyo kala duwan ay geli la yihiin guadaha Magaalada Qardho. Sababta gaadiidka xamuulka qaado u xaniban yihiin ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in weli la isku fahmi la’ yahay cabashada la xiriirta qiimo koror lagu sameeyey canshuur ay horay u bixin jireen Ganacsatada gaadiidkan u raran yihiin. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la tilmaamay in Magaalada Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar ee Maamulka Puntland uusan gelin gaadiid sida adeeggyada ganacsi ee looga baahan yahay halkaas. Ganacsatada gaadiidkan u raran yihiin qaarkood ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in loogu sii daayo gaadiidkooda ku xaniban deegaan lagu magacaabo Alxmadulilaah oo ka tirsan Gobalka Karkaar.

Duulimaadyadii Tooska Ah Ee Soomaaliya Iyo Kenya Oo Maanta Dib U Bilowday

June 13, 2021 F.G 0

  Duulimaadyadii diyaaradeed ee tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray Wadamada Kenya iyo Soomaaliya ayaa Maanta Oo Axad ah dib u bilowday, kadib markii muddo bil ah ay xayirnaayeen safarada labada dal. Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay qaaday xayiraaddii ay bishii lasoo dhaafay ee May kusoo rogtay duulimaadyadii diyaaradaha ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in Maanta diyaarado ka tega Muqdisho ay gaaraan Nairobi. Talaabadan ayaa waxaa ku farxay ganacsata Soomaalida ee diyaaradaha ee Magaalada Nairobi oo sheegay in muddadii ay xayiraaddu jirtay uu Ganacsigoodu soo wajahay khasaare weyn. Inta uu hakad ku jiray duulimaadyadii tooska ahaa ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa saameyn xoog leh uu ku yeeshay dadka u socdaala labada dal, waxaana qiimo koror uu ku yimid lacagta lagu raaco diyaaradaha

SAWIRO:Dr Axmed Xalal Oo Si Wanaagsan Uga Shaqa Bilaabay Isbitaalka Guud ee Degmada Ceelbaraf

June 13, 2021 F.G 0

Sida aan Wararka Ku Heleyno ayaa Sheegay in Degmada Ceelbaraf ee G/SH/DHEXE uu Shaqo Caafimaad ah uu ka Bilaabay Dr , Axmed Maxamed (Dr Xalaal) Iyo Dhaqaatiir kale Oo la socday . Dr , Axmed Maxamed (Dr Xalaal) Ayaa Si Rasmi ah uga Shaqa Bilaabay Isbitaalka Guud ee Magaalada Ceelbaraf  Taarikhda Marka aheeyd   12/6/21 .  Sida ay Warbixintu  Sheegtay Dhaqtarka ayaa baaritaan Caafimaad dhanka Indhaha Iyo Qaliino ku sameeyay Bulshada Ku Nool Degmada Ceelbaraf Iyo Deegaanada Ku Dhaw-dhaw. Mid ka mid ah shacabkii ka faaideeystay Dr Xalaal ayaa Yiri”Marka hore Aniga waan ka faaiiday  Baaritaankii la ii sameeyay waxaana mahada iska leh ilaahay  Marka labaad Dr xalaal Iyo Dhaqaatiirka kale ee la socota. balse waxa aan leeyahay Dadka Wax garadka ah ee ku nool Ceelbaraf in ay qadariyaan shaqada uu Dhaqtarka u Hayo Bulshada ayna Ka Faaideeystaan. Hadii Maanta aan Muqdisho aadi lahaa waxaa aan Bixi lahaa Qarash aad u  badan Ugu yaraan 200$ lakin Nasiib Wanaag Dr Xalaal ayaa halkaan ka helay. Waana dhaqtarkii aan u safri lahaa, Mide kale Waxa aan leeyahay Dhaqtarka [Sii aqri]

Madaxweeyne Cali Guudlaawe Oo Xilka Ka Qaaday Wasiir Ka Tirsanaa Maamulka HirShabelle

June 12, 2021 F.G 0

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa xilkii ka qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Amniga Dowladda Hirshabelle Xasan Maxamed Cilmi. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu ansixiyey xilka qaadistan lama cadeynin sababta ka dambeysa talaabadan balse waxaa baraha bulshada illaa shalay wareegayey dad shacab ah oo ka cabanaya in wasiirku dhac u geystay. Laguma magacaabin wareegtada masuulkii bedeli lahaa  xilka laga qaaday Wasiir Ku Xigeenkii Wasaarada Amniga Dowladda Hirshabelle Xasan Maxamed Cilmi. HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Dowlada Soomaaliya Oo Sheegtay inay Dib u Fureyso Safaaradii ay Ku Lahayd Kenya

June 12, 2021 F.G 0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo celineyso xiriirkii ay la lahayd dowlada Kenya, iyadoo ugu baaqday Kenya inay dib u furto Safaaradeeda Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in dowladda Soomaaliya ay dib safaaradeeda uga furi doonto magaalada Nairobi. Waxaa maalmaha soo socda bilaaban doona tallaabooyin dib xiriirka labada dal loogu soo celinayo, iyadoo wafuud labada dhinac ka kala socota ay tagi doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Warkan ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii ay dowlada Kenya qaaday xayiraad ay hore u saartay duulimaadyada magaalooyinka Muqdisho iyo Kenya.

Xajka Sanadkan Oo Laga Mamnuucay Dadka aan Ku Nooleyn Gudaha Sacudi Carabiya

June 12, 2021 F.G 0

Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday maanta in sanadkaan gudashada waajibaadka xajka inay ku koobnaan doonaan dad aan ka badneyn 60,000 oo qof, dhammaantoodna ka imanaya boqortooyada gudaheeda, sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus. Bayaan ay soo saartay wakaaladda wararka ee ay maamusho dowladda Sacuudiga ayaa laga soo xigtay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee boqortooyada oo ku sheegtay in xajka sanadkan, oo bilaaban doona badhtamaha bisha July, uu ku koobnaan doono da’da 18 ilaa 65. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in sababta loogu xadeeyay kaliya 60 kun oo muwaadin oo Sacuudi ama dadka heysta iqaamada dalkaasi ay tahay halista cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu wali ku hayo dunida. Xajka sanadkan ayaa lagu wadaa in uu dhaco bartamaha bisha July ee foodda nagu soo heysa.

Maxakamada Ciidamada Oo Xukun ku Riday Ganacsato Dalka Soo Gelisay Kiimiko Laga Sameeyo Qaraxyada

June 12, 2021 F.G 0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo sabti ah xukun ku riday Ganacsato ku eedeysan inay gudaha dalka Soomaaliya soo geliyeen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa. Eedeysanayaasha oo gaaraya 7 xubnood oo laba kamid ah ay yihiin maqane ayaa maalmo kahor lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada, kuwaasi oo la sheegay inay dalka soo geliyeen Kiimikada qaraxyada, una sii gudbin jireen Al-shabaab. Xeer ilaalinta ayaa ku soo eedeeysay inay dekadda Magaalada Muqdisho kasoo dejin jireen, maadooyin kala duwan oo laga sameeyo qaraxyada, Jaakada Qaraxyada, Computero iyo Agab Ciidan. Sidoo kale Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka codsatay in eedeysanayaasha lagu rido xukuno adeg, maadaama dalka ay soo geliyeen waxyaabo halis ah oo khatar ku ah nafta iyo deegaanka. Maxkamadda Ciidamada ayaa eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed ku riday xukun xabsi daa’in ah, halka eedeysanayaasha kala ah Cabdisalaan Cali Faarax, Daahir Cusmaan Maxamed, Khadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sh Cumar iyo Saciid Xuseen Maxamed lagu xukumay mid 8 sanno oo xabsi ah Maxkamadda Ciidamada ayaa sii deeysay Cabdisalaan Cismaan Maxamed oo lagu waayay dambi, sida uu [Sii aqri]

Mushraxa Madaxweyne Guuleed”Farmaajo Diyaar Uma aha Doorasho In Dalka laga Qabto”

June 12, 2021 F.G 0

Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka walaacsan daahitaanka doorashada Soomaaliya, iyo cago jiid ay sheegeen in uu ka jiro sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigii ay ku heshiiyeen DF iyo dowlad goboleedyada. Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in gaabis uu hada ka jiro hirgalinta doorashada oo horey loogu heshiiyay in lagu qabto 2-bil gudahood, waxa uuna ku baaqay in shaqada doorashada ahmiyad weyn la siiyo oo aan dalka iyo Dowladnimada fursad kale laga lumin. ”Firaaqa iyo habacsanaanta ka muuqata hay’addaha Dowladda waxaa daawo u ah dedejinta mashruuca doorashada. DF, Dowlad Gobolleedyada iyo beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaya in aan waqtiga la dilin, oo doorashada la dedejiyo, heshiiskii Muqdisho lagu gaaray dhammaadkii bishii May wuxuu abuuray jawi doorasho, laakiin mudada la cayimay oo labo bilood ah iyo shaqada sida luudiska u socota isma qaadan karaan. Waxaan ku baaqeynaa in shaqada doorashada ahmiyad weyn la siiyo oo aan dalka iyo Dowladnimada fursad kale laga lumin.” ayuu yiri Musharax Guuleed.   Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in mar walba oo la daahiyo geedi-socodka doorashada [Sii aqri]

1 2 3 969