November 28, 2021

MAQAAL:Yaa Hishiis Ka Geli Kara Ama Wada Hadal Xaduud Doowlada Dhexe Somaliya Mise Guddomiye Gobol ama Degmo?


 

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa guddi iska soo dhex magacaabay si ay ugu wada hadlaan Xiisadaha ka taagaan Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Guddiga Dowladda ay ee wada hadalkaan waxaa guddoomiye looga dhigay Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed, sidoo kale kamid ah Xubno kale oo ku jira Maamulka Gobolka iyo kan Magaalada Baladxaawo.

Maxaa Ka Hor Taagan in ay Ka Hadasho Muranka Xadduda Beldxawo Doowlada:

Ugu Horeeyn Doowlada Faderaalka Soomaaliya  ayaa Dhowr Jeer u Dirtay  Guddiyo Xaqiiqa Raadin ah Oo Ka Kooban Xildhibaano iyo Wassirro iyo Sarakiil Ciidan Hase ahaatee ayaan Hadal Ka Soo Saarin Muranka ka Taagan Dhismaha Derbiga ay Ka Waddo Doowlada Keenya,

Wararka Qaar ayaa Sheegaya in Madaxda Qaranka ay Wax Kala Socdaan Arrinkaan ayagoo Ka Gaabsanaya Baaqyada iyo Cabashooyinka uga Imaanaya Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee Ku Nool  Guddaha iyo Dibeda.

Sidoo kale Madaxweeyne Maxamed Farmaajo iyo R/Wassare Kheeyre  ayaan u Muuqan Kuwa Siinaya Ahmiyad Dhina Ilaalinta Xaduudaha Soomaaliya Waayo Waxaa Laga Dareemayaa  in ay u Janjeeraan Dhinaca Dowlada Keenya, Inkasto ay Jiraan Tuhuno ah in ay Jiraan Hishiisyo Hoose Oo Lalal Galay Shirkado Shidaal Baaris Kawada Dalka Keenya Kuwaasi Oo Doonaya in ay Ku Guuleeystaan Dacwada Muranka ee Badda Soomaaliya Markii ay arkeen in aysan Ku Guuleeysan Karin  Waxa ay Xooga Saareen in ay Derbi Ka dhisaan Xadduda u Dhaxeeysa Soomaaliya iyo Keenya ayagoo Ku Xalaaleeysanaayo Dhinaca Dhulka.

Yaa Hishiis Ka Geli Kara Ama Wada Hadal Xaduud Doowlada Dhexe Mise Guddomiye Gobol ama Degmo?

Dadka Aqoonta u Leh Sharciyada ayaa Sharaxaad Ka Bixinaya Waxa ay Leeyihiin Hadii Heshiisyo la Galayo Dhinaca Xaduudaha ee Laba Dal Waxaa ka Geli Kara Kaliya

1:Dowlada Dhexe Soomaaliya ayadoo Kaashanaysa Qubaro Ku Xeeldheer Dhanka Xaduudaha iyo  Sharciga Caalamiga ah, Waayo Waxa laga Hadlayo Waa Masiir umadeed .Balse  Awoodna uma Lahan in uu Ka qeeyb Galo Guudomiye Gobol ama Guddomiye Dagmo  Waa Sida Ku Cad Dastuurka KMG Qodobka 7aad. Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.Waxaana uu Mas,uul Ka Saaran Yahay Dowalada Federalka Soomaaliya.

1) Gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya oo idil, oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda
hoose, hawadooda Sare iyo geyi-qaaradeedka iyo dhul iyo biyo-goboleed kasta oo ku soo biira
Jamhuuriyadda Soomaaliya, si waafaqsan sharci uu Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.
(2) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
(3) Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafaadka soohdimaha caalamiga ka dhasha in
xalilintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi waafaqsan qawaaniinta Dalka u degsan iyo kuwa
Caalamiga ah.
(4) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudihii ku astaansanaa Dastuurka 1960
ee Soomaaliya.
(5) Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya:
(a) Waqooyi: Gacanka Cadmeed;
(b) Waqooyi Galbeed: Jabuuti;
(c) Galbeed: Itoobiyia;
(d) Koonfur Galbeed: Kenya;
(e) Bari: Badweynta Hindiya

Ugu Danbeeyntii Waxaa Ayaan Daro ah In Arrinkaan loo Saaray Guddomiye Gobal iyo Mid Degmo Waana Dad aan aqoon u Laheeyn Dhinaca Xaduudaha iyo Sharciyada Maadaama ay Tahay Waxa laga Hadlaayo Xaddud, Sidoo kale  Waxa aad Moodaa in Madaxda Qaranka Soomaaliyeed in ay Wax Kala Socdaa Qorshaha Darbiga Dhismahiisa  Maxaa Yeelay Dhinaca Dowlada Keenya Waxaa Ka Imaanaya Qubaro Aqoon sare u Leh Dhinca Xaduudaha. 

 

 

 

W/Qoray

Balcad110@hotmail.com

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*