November 28, 2021

Weerar Lagu Qaaday Saldhiga Magaalada Jowhar iyo Warbixinta laga Helayo


Wararka laga Helayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa Sheegaya  in Xalay  Bom Gacmeed lagu weeraray Saldhig ay Ciidanka Dowladdu ku leeyihiin Magaaladaasi.

Bomka ayaa lagu tuuray sida ay dad Goobjoogayaal ah Ay xaqiijiyen Saldhigga Ciidanku ay ku leeyihiin Xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar, waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

 

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku dhaawacantay, waxaana lasoo sheegayaa in dhaawacu uu yahay mid fudud, mana lasoo sheegin khasaare kale oo intaas dhaafsiisan.

Dableydii Bomka tuuray ayaa goobta isaga baxsaday, waxana Ciidanku ay sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii falkaasi ka dambeeyay, inkastoo aan la shaacin dad loo soo qab qabtay Bomkaas la sheegay in lagu tuuray Saldhigga Xaafadda Horseed ee Jowhar.

Magalada Jowhar ayaa dhawaan maxaa lagu doortay gabi ahaan mas’uuliyiinta maamulka Cusub, waxaana maalmo ka hor ka dhacday doorashada Maadxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*