October 23, 2021

SAWIRO:Laacibkii Hore ee Ciyaaraha NBA Stephen Jackson Oo Qaatay Diinta Islaamka


Xiddigii hore ee ciyaaraha NBA-da Maraykanka Stephen Jackson ayaa baraha bulshada ku shaaciyay inuu qaatay diinta Islaamka.

Sidoo kale Waxaa uu uga mahadceliyay heesaaga Mareykanka Tone Trump taageeridiisa iyo sidoo kale haweeney reer Canada ah oo hibo u siisay rooga salaada.

Wuxuu sheegay in dilka saaxiibkiis dhow George Floyd uu sidoo kale saameyn ku yeeshay go’aankiisa. ⁣

Wuxuu sidoo kale cajalad muuqaal ah soo dhigay baraha bulshada isagoo aqrinaya iclaamka islaamka ee shahaada.

42 jirkan ayaa baranayey diinta islamaka muddo dhowr bilood ah laakiin haatan si rasmi ah ayuu diinta islaamka u qaatay.⁣

Jackson, oo ka fariistay Xiriirka Kubadda Koleyga Qaranka (NBA) sanadkii 2015 ka dib 14 sano oo uu shaqeynayay, ma ahan ciyaaryahankii ugu horreeyay ee NBA ee diinta Islaamka qaata. Halyey Karem Abdul-Jabbar ayaa qaatay diinta islaamka sanadkii 1968 ka hor inta uusan galin NBA.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*