October 23, 2021

Farmaajo Oo Dhoola Tus Ciidan Sameeyay Dhawaana Weerar ku ah Kuwa Iska Hurdaya


Waxaa Saakay Magaalada Muqdisho Ka Dhacay Dhoollo Tus Ciidan Oo uu Sameeyay Madaxweeynaha Waqtiga Ka Dhamaaday Maxamed Farmaajo.

Farmaajo ayaa Maalin Maalinta Ka Danbeeyso qaadayay Dhoola tus Ciidan Asigoo Dhowr jeer is hortaag Ku sameeyay banaabax ay soo qaban qaabiyeen midowga musharaxiinta .

Sidoo kale waxa uu weerar Xoogan ku qaaday Halka ay ku sugan yihiin Madaxweeyanayaashii hore soomaaliya Shariif iyo Xasan Shiikh Asigoo go,doon Geliyay Hoyga ay ku sugnaayeen Waqtigaas.

Farmaajo ayaa diidan in uu dalka ka qabto doorasho

Waxaana uu Saakay Mar kale soo Bandhigay Dhoola tus ciidan waxaana uu is hortaag ku sameeyay Xildhibaano Horay laga mamnuucay in ay tagaan kulanka Barlamaanka Kuwaasi Oo Gaaraya 15 Xildhibaan.

Dhanka kale Musharaxa Madaxweeynaha C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa Dhowr jeer Horey u shegay in farmaajo uusan rabin in uu doorasho dalkaan ka qabto waxaana uu rabaa in uu awood ciidan ku maamulo balse waxa aan dhihi lahaa aan waqtigaan ka hortagno inta uusan xoogeeysan kaligii taliska Farmaajo .

Laakin Hadalka Musharaxa C/raxmaan Waxaa ka madax adeegay Madaxda kale ee Musharaxiinta ayagoo aaminsan in aysan aheeyn Waqti dagaal.

Balse Sida Muuqata Waxaa Dhab Naqan doonta Hadalka Musharaxa Madaxweeyne C/raxmaan C/shakuur . In dalka uu Awood Ku Maamulayo Farmaajo.

Dhanka kale Farmaajo Dhawaan Waxaa laga Filanayaa In uu Weerar kale qaado Sida in uu Xabsi Iyo Dil Kula Kici Doono Cidkasta Oo Ka Aragti Duwan  Madax Hore Iyo Kuwa kale Waxaana Hadda Waajib ah in laga Hortago.”Sidaa Waxaa Yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Ugu danbeeyntii Madaxda Musharaxiinta Sida Xasan Shiiq. Shariif Shiiq axmed .Xasan Cali Kheyre .Mustaf Dhuxullow,C/Qaadir Cosoble.Daahir Geelle C/raxmaan Cabdi shakuur Iyo Musharaxiinta kale Waxaa Hadda la Gudboon In ay Isku Diyaariyaan Sidii ay uag qaban lahaayeen Dalka Kaligii Taliye Farmaajo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*