October 23, 2021

M/weynihii Hore HirShabelle”Inta ay Farmaajo Iyo Fahad Joogaan HirShabelle Villa Muqdisho Horumar Haka Sugin”


Tan iyo Markii la soo dhisay HirShabelle 2 ayaa Waxaa Soo If baxaya Mucaarado Xoogan Oo ay kala Hor imaanayeen Qaar ka mid ah beelaha degan HirShabelle .

Dhawaan Waxaa Warbaahinta Hanoolaato la hadlay Madaxweeynihii Hore HirShabelle Maxamed Cabdi waare ayaa sheegay in HirShabelle lagu dulman yahay Maamul ahaan Waxaana Ka dhacay wax aan loo dul qaadan karin Doorashadii ka dhacday Dhawaan waxa ay aheeyd Boob Iyo Ku Tumasho Dhinaca Cadaalada.

Sidoo kale Doorashadii ka dhacday Jowhar ma aheeyn mid lagu wada qanacsan yahay ee waxa ay aheeyd doorasho liis lagu soo qortay magacyo ah waxaana laga soo qoray Villa Muqdisho iyo NISA. Waxaa Cadeeyn kugu Filan Xildhibaan uu soo qoray nabadoonkiisii in si qasab ah looga saaray liiska laguna bedelay Guddomiyaha Barlamaanka HirShabelle ee Hadda Ku Fadhiya Kursiga.

Dhanka kale HirShabelle Dowladii Farmaajo Iyo Kheyre  Ma aheeyn madax doonaysay in ay HirShabelle  Cagaheeda ku istaagto waxa ay ahaayeen kuwa lug gooynayay Oo aysan waxba u qabaneenin Hadii ay ahan laheeyd dhinaca mashaariicda.

Xaqiiqda Muuqata Waxa waaye Degaanka Badhan Waxaa laga dhisay Jaamacada umada soomaaliyeed Waana Deegaan yar Oo aan Gaareeynin Dhinaca Shacbiyada Beledweeyne ama Jowhar Hase ahaate  Waxba Lagama dhisin waxna lagama qaban Fatahaadii ka dhacayay Wax gar-gaar ahna looma fidin Cabudwaaq Waxaa laga Dhisayay Jaamacad kale Sidaa Ma Cadaalad Baa? Maxaa u diidaya in mashaariic laga dhiso HirShabelle?

Gobolka Gedo Waxaa la geeyay Dhamaan Gaadiidka Ciidanka Soomaaliyeed Kuwii Ugu Danbeeyay ee loogu deeqay HirShabelle Ciidankiisana Waxa ay Heeystaan Gaadiid laga Tagay .

Hadana HirShabelle Lagama Sugayo in ay dhaqaaqdo Arrimaha Inta ay Jiraan.

1:Farmaajo Iyo Fahad Ma Doonayaan in HirShabelle ay Horumar sameyso

2:Dadka Ka soo jeedo HirShabelle Sida Siyaasi ama Aqoonyahan ama Ganacsato Ma ahan Kuwa Ku Qnacsan Deegaanadooda waa kuwa Daarado Dhaadheer ku leh Muqdisho kana Cararayo dadkooda Iyo Deegaankooda.

3:Maamulka Hadda Dhisan ee HirShabelle ma ahan Mid Qibrad badan u leh dhinaca Maamulka Iyo Maareeynta Arrimaha Horumarka .

4 :HirShabelle Waxa ay u baahantahay Dib u Hishiisiin in loo sameeyo beelaha wadad dega HirShabelle.

Ugu danbeeytii Waxa uu Sheegay In shacabka HirShabelle ay ka war sugayaan Doorashada lagu muransan yahay hadii ay meel u dhacdo Balse Waqtigaan in ay Tahay Dhismahii HirShabelle Koow ama Bilaaw Hadii ay Sidan ku sii socotana ay Koow tahay  Hadalkaas ayaa micnahiisu yahay HirShabelle wax la yiraahdo Oo Lagu qanacsan yahay  ma jirto waana in dib loo furaa wadda hadal iyo awood qeeysi dhinaca maamulka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*