October 23, 2021

Jenaral Koronto”Farmaajo Kama Yeeleeyno Biixi Iyo Xijaar Waa Dhalinyaro Kuwiina Waa Beeshin”


Waxaa magaalada Muqdisho Shir Jaraaid ku qabtay Genaral Maxamuud Macalim Koronto Waxaana uu kaga Hadlay Xaaladaha Siyaasadeed ee ka soo Cusboonaaday magaalada Muqdisho,Waxaana uu Si weeyn uga Horyimid Talaabdii ay qaadeen Baarlamaanka Waqtiga ka dhamaaday ayagoo Mudo kordhin u sameeyay Madaxweeynaha Waqtiga Ka dhamaaday Maxamed Farmaajo .

Jeneraal koronto ayaa ka hadlay dhibaatooyinka laga dhaxlay madaxweeynaha waqtiga ka dhamaaday maxamed farmaajo Waxaana uu ku eedeeyay in uu Ciidanka Xoga dalka uu kala qeybiyay Si qabyaalad ah.

Sidoo kale waxaa Jiray in uu Hubka ka ilaalin jiray Ciidankii uu Hogaaminayay Jenaral Koronto”Dagaal ayaan ku galnay Degmada Balcad  Hase ahaatee Farmaajo waxa aan ka codsanay Gawaarida Gaashaaman waana noo diiday Balse  Maantana waxa uu Ku Sii daabulayaa Gedo Hubkii uu Noo Diiday .

Nasiib daro Waxaana uu Isku Hubeeynayaa laba Qabiil Oo Mareexaan ah Oo Beeshiisa,Waana Ka xumahay Dhibka uu ka wada dalka Farmaajo Waxaana Muhiim ah In la iska qabto.

Dhanka kale waxa uu Naga Dhigay Howlgab Ciidan Waxaana uu Si Qabiileeysan uu u  Magacabay Biixi Iyo Xijaar Oo ah saraakiil Waayeel ah anagiina waxa uu na leeyahay waxa aad Tihiin Beeshin Marka Ma Cadaalad Baa waa maya Kama Yeelayno Waana Ka Dagaalameeynaa ee Hubkiina Qaata Reer Muqdishoow” Jenaraal Koronto Hadalkiisa ayaa si weeyn loo soo dhaweeyay waxaana la sheegayaa in uu Helay Duirbo Dad Taageero u ah Jenaraalka.

 

hoos ka daawo:

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*