October 23, 2021

Farmaajo Riyadiisii Oo Run u Naqatay Iyo Musharaxiinta aan Ka Hadlin Safarka Kaligii Taliye Farmaajo


Tan iyo Markii uu waqtiga ka dhamaaday Maxamed Farmaajo ayaa ku dhaqaayay Arrimo ku dhiiro gelinayo in ay u rumoowdo riyadiisa waxaana ka mid ah

1;Waxa uu kala diray madaxdii maamul goboleedyada uga socday shirka magaalada muqdisho.

2; waxaa uu amray in waqti loogu daro 2 sano ah, Asigoo Cunaqabateen ku soo rogay Xildhibaanada Diidanaa in ay ka hadlaan Muddo kordhin loo sameeynayo, Waxaana uu ka joojiyay in ay ka qeeyb galaan kulamadaasi.

3:Waxa uu weeraro daandaansi ah ku qaaday Madaxdii Hore Iyo Siyaasiyiin ka soo Horjeeda Maamulkiisa ee waqtiga ka dhamaaday ,

4:Waxa uu weerar xoogan ku qaaday Taliyahii G Banaadir Jeneral saadaq john Inkastoo uu awood uusan maleeysan ay ka hortimid Hase ahaatee Waxaa uu weerarka u bedelay dhinaca waqooyiga Muqdisho Asigoo Xalay ay Ciidankiisa weerar gaadmo ah ku qaadeen Taliahii Hore NISA Jenaral Tuuryare,

5:Farmaajo Waxa uu waday Muddo badan In uu Ka Taqaluso Saraakiisha Ciidamada uusan Adeegsan karin Asigoo ku dilay qaar Qaraxyo ,Halka Kuwo kale ka dhigay Howlgab  aan shaqeeyn, Waxaana uu Amarada Ciidanka Hoos geeyay Saraakiil ay isku beel Hoose Yihiin, halka Soomaalida kale uu iska fogooyayay asigoo Doonayo in uu Xakunka Awood ku sii heeysto.

6:Ugu danbeeyntii Xalay Waxa uu u duulay Magaalada Kinisaasha ee Caasimada Dalka Koongo Halkaasi uu Shir Caalami ah Uga Qeeyb galayo.Taasi waxa ay ku tusinaysaa in ay u Hirgashay  Riyadiisii aheeyd in uu dalka Marka kale Xoog ku sii maamulo .

Dhanka Kale Midowga Musharaxiinta ayaa Naqday Kuwa aan ka Hadlin Safarka Madaxweenaha Waqtiga ka dhamaaday ee Farmaajo Shalay Iyo Maanta Marna Ma aysan ka hadlin Musharaxiinta Iyo Siyaasiyiinta ka soo Horjeeda Kaligii Taliyaha Farmaajo.

Waxa aad Moodaa In ay Yihiin Midowga Musharaxiinta Kuwa Ayaga Is khiyaanayo uu Midba Midka kale uu ka shakisan yahay Sababtoo ah Ilaa Iyo Hadda Waxa aysan Mideeyn Awoodooda Ciidan Iyo Mida Arragtidooda Siyaasadeed ,Sidoo kale Waxa ay Goaan Mideeysan ka gaari karin Dhagarta Guudlaawe Iyo Qoor-qoor ay U maleeygayaan Shacabka ay Matelaan Marwarlbo,

Sidoo kale Waxaa Nasiib Daro aad u weeyn ah  In aysan ka Hadlin Safarka Kaligii Taliyaha Farmaajo.Ayadoo ay Beesha Caalamka aad si weeyn uga Soo Hor jeesatay Muddo Kordhinta Faraamo.

Dhan kale Midowga Musharaxiinta Waxa ay awoodeen in ay waraaq u diraan Midowga Afrika Iyo Dowlada Koongo ayagoo u sheegayo in uusan Farmaajo Metelin Dalka Soomaaliya uuna Yahay Shaqsi iska Socdo Kaligii,

Midowga Musharaxiinta  Waxaa Nasiib Daro ku ah in aysan Wali la Kulmin Hogaamiyaha Badbaadada Muqdisho Jenaral Saadaq John Oo Ka Hor yimid Muddo Kororsiga Farmaajo.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*