October 23, 2021

Jowhar,Balcad,Mahadaay, Waa Deegano Go,doonsan Dowlada Somaliya Oo Si Qabyaaladeeysan Uga Amusan


Sida la wada Ogsoonyahay Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaano Ka Tirsan G/SH/DHEXE  dhinaca Koofur Bari iyo Waqooyi Bari caasimada dowlada goboleedka Hirshabelle ee Jowhar.

fatahaada Wabiga Shabelle ayaa saameyn Xoogan  Ku Yeeshay Dhamaan Waddooyinka Soo Gala Caasimad Dowlad goboleedka HirShabelle Jowhar  Sidoo kale Waxaa uu sameeyn ku yeeshay Sida Xaafadaha ay Degan Yihiin Shacabka , goobaha ganacsiga,  Waxaana uu Kala Xeray Isku socodka Magaalooyinka Jawhar,Balcad Iyo Jowhar Mahadaay . Balse Halkaan Laguma Soo koobi karo Khasaarooyinka ka dhashay Fatahaada Wabiga Shabelle.

 

Dhanka Kale Dowlada Federaalka ayaan Wax Gurmad ah u Fidin Dhibaatooyinka Ka Taagan Deegaanada HirShabelle.

 Sidoo Kale  Xukuumada Xilgaarsiinta R/Rooble Marna Kama uusan Hadlin  Sidoo Kale Wasaarada Gargaarka Musiibooyinka Iyo Maareynta Kama aysan Hadlin Dhibaatada Ka Taagan HirShabelle Waana Nasiib Daro Taagan . Mana ahan Markii ugu Horeeysay Oo ay Ka aamusaan Markasta Oo ay Dhibaato Soo Wajahdo Gobolka Sh/dhexe Kama Hadlaan.

 

Sidoo kale Maamulka HirShabelle Uga Jawaabin Sidii la Rabay Dhibaatada Ka Taagan Gobolka Sh/Dhexe. Waxaana uu Ka Gaabiyay Mas’uulayadii ka saarneed Shacabka Iyo Deegaanka .

Mid ka Mid ah Shacabka Ku Nool G/SH/Dhexe Oo La Hadlay Warbaahinta Ceelbaraf.com ayaa u sheegay in Madaxweeynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Iyo Guddomiyaha G/Sh/dhexe Axmad Meeyre aysan Marna aysan Dirin Baaqyo Gar-gaar ah .Dhanka Dowlada Federalka Iyo Beesha Caalamka Iyo  Warbaahinta Guddaha Iyo Dibeda . Weeyna ka aamusan Yahiin Mana garanayo Sababta Keentay in aysan Ka Hadlin Dhibaatada Ka Taagan Jowhar . ayuu Yiri.

Madaxda HirShabelle ayaa ah Kuwa Ku Mashquulsan Danahooda Gaarga ah iyo Sida uu Xakunka Ku Sii Joogi lahaa Marna Kama Go,aan In ay Wax u Taraan Dadkooda Iyo Dalkooda ,Waana Nasiib Daro aad u weeyne. Shacabka Waxa ay Ku Hayaan Dhibaato Isbaaro ah Caanshuur Waa laga qadaa Marna Wax loogu Maqabto Jeebkooda ayay Ku Shubtaan.Ayuu Yiri.

 

Ugu danbeeyntii Shacabka HirShabelle Gaar ahaan G/sh/Dhexe Waxa ay Baaq u dirayaan Dhamaan Dadka ka soo Jeeda Gobolka Sh/dhexe in ay Gargaar u Fidiyaan Walaalahood Dhibaateeysan Si Wax looga Qabto Dhibta Ka Taagan Gobolka Sh/dhexe,

Sidoo kale Waxa ay Talo u soo Jeediyeen in ay ka tashadaan Maamulka HirShabelle Iyo Kan Gobolka Sh/dhexe. Ma ahan Maamul u adeega Shacabka G/Sh/dhexe Waxaan ugu Daran Dowlada Waqtigeeda Dhamaaday In ay Cadaawad Qabiil u Heeysay Shacabka HirShabelle Ayna Joojiyeen  Dhamaan Waxii Mashariic Horumarineed ahaa  kana Hor Istaageen .Waxaana Mas’uuliyadaasi Iska Lahaa Madaxweeynaha Waqtiga Ka Dhamaaday Maxamed Farmaajo Waxaana uu Si Qabyaaladeeysan Uga Hor Istaagay Horumarka HirShabelle Iyo Mashaariicda ay Bixiyaan Beesha Caalamka.

Wararkii ugu Dambeeyay Dad weli lagu la'ayahay Fatahaad Wabiga ee Magaalada B/weyne. | Somaliweyn

Wabiga Shabeelle oo mar kale ka geystay fatahaad horleh Degmada Jowhar ee Xarunta Hir-Shabeelle | Dayniiile.com-Latest news from around the world

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*