October 23, 2021

SAWIRO:Dr Axmed Xalal Oo Shaqa Cafimaad Ka Haya Degmada Ceelbaraf howlo Caafimaad iskugu jira indha-baaris iyo indha-fiiqis.


Wararka aan Ka Heleyno Istibitaalka Guud ee Degmada Ceelbaraf G/sh/dhexe ayaa Sheegaya in ay Si Wanaagsan u socoto Shaqada uu Ka Hayo Dhaqtarka Indhaha Dr Axmed (Xalaal) .

Tan Iyo Markii uu ka shaqa bilaabay dhaqtarka ayaa u sameeyay shacabka ku nool degmada Ceelbaraf iyo deegaanada ku dhaw dhaw baaritaano iyo qaliin dhanka indha -fiiq ah  waxaana uu dhaqtarka uu sheegay in uu ku guuleeystay baaritaanadii uu sameeyaya iyo dhankii qaliinka ahaa Waana Ilaahay Mahadii.

Dr axmed Xalal ayaa yiri”Shaqada Isbitaalka Guud ee Degmada Ceelbaraf Si Wanaagsan ayay u socotaa waana ku guuleeysanay Shaqadii aan u Tagnay Sidoo kale Waxa aan Mahad Balaaran u Jeedinayaa Dadka Ku Nool Deegmada Ceelbaraf Iyo Dhamaan Inta Dibeda Jirto Kuwaasi Oo Ka Qeeyb qaatay In aan Si Wanaagsan u fuliyo shaqada aan halkaan u soo gaaray “

Dhanka Kale Dr Xalal ayaa Bartiisa Facebook ku qoray sidan:

Degmada Ceelbaraf
—————
Waxaan baryahan ka waday isbitaalka guud ee Degmada Ceelbaraf howlo iskugu jira indha-baaris iyo indha-fiiqis.
Ceelbaraf waa deegaanki aan kusoo koray, waxaan ku noolaa intii ey da’deydu u dhaxeysay 9 ilaa 14 sano, waxaan kusoo bartay qur’aanka kariimka, maanta waxaan ku faraxsanahay in aan kulasoo laabto wuxuun manfaca ah.
Ugu danbeeyntii Dr Axmed (Dr Xalal) Waa Dhaqtarkii ugu Horeeyay ee ka howlgala deegaanka uu ka soo jeedo ee Degmada Ceelbaraf Waxaana uu Goaansaday in uu aqoontiisa uu dib ugu celiyo dalkiisa iyo deegaankiisa waxaana uu Mudan Yahay Bilad sharaf in la siiyo. Sidoo kale Dahqaatiirta Somaliyed waxa aan leenahay dalkiina iyo deegaankiina u adeega si Horumar dhanka caafimaadka ah loo helo.

 

May be an image of child and sitting

May be an image of 8 people, people standing and indoor

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*