October 23, 2021

Madaxweeynihii Ugu Masuq-Maasuqa Badnaa ee Somaliya “Farmajo Hal sano ayuu Keenay Xisaab xer 3sano Hasheegin”


Madaxweynaha mudda xilleedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, xilliga uu musharax madaxweyne ahaa iyo kadibba waxaa uu sameeyey ballan-qaadyo adag, kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa la-dagaalanka musuqa, taas oo ay aheyd sababta ugu weyn uu ku guuleystay, laakin 4 sano kadib iyo hadda oo uu waqtigii ka dhacay, waxaa xaqiiq noqotay in ballan-qaadkaas  fulintiisa uu ku dhacay, iyada oo canshuur bixiyeyaasha Soomaaliyeed iyo deeq-bixiyeyaasha caalamkaba ay ka sugayaan xisaab celinta lacago lagu aaminay iyo mid aan lagu ogeynba, kuwaas oo aan la la’hayn meel ay ka baxeen.

Farmaajo: Musuqa Waan Beegsanayaa:

Khudbaddii murashax madaxweyne Farmaajo 2017 ka hor-jeediyey labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah waxaa anta yiri “Walaalayaaloow mudanayaal iyo marwooyin anta idoorataan, musuqmaasuqa waa beegsigeyga ugu horreeya  waa la dagaalamaynaa  si fool xunna waan ula dagaalamaynaa ,  qofkii hantida qaranka ku takri fala  umaddana waan ku ceebaynaynaa,  xabsi dheerna waan u diraynaa “.

Inkasta oo hadalkaas laga qoray hadana waxaa uu ku dhacay imtixaankii ugu horeeyey uguna muhiimsanaa ee isla xisaabtanka iyo kahortagga musuqa isaga oo miisaaniyadihii baarlamaanka u ansixiyey aan soo celin wax xisaab xir ah isla markaana biyaha webiga raaciyey dhammaan xeerarka arrinkaas la xiriiray ee dalka u yaalay oo ay ugu horeeyaan xeer-hoosaadyada baarlamaanka iyo sharciga maamulka maaliyadda qaranka:

Sida uu qabo qodobka 70-aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka faqradiisa 1-aad xisaabxirka sanadkii tagay waa in la ansixiyaa ugu dambeyn 31 March ee sanadka xiga, sidoo kale sharciga maamulka maaliyadda qaranka waxaa ku xusan in warbixinta xisaabxir sanadeedka miisaaniyadda federaalka ah ee sanadkii lasoo dhaafay in la horgeeyo golaha shacabka si uu uga dooda, una ansixiyo ugu dambeyn 30-ka June ee sanadka xiga.

Afar sano oo uu Farmaajo maamulayey dalkan, waxaa laga hayaa xisaab-xirka hal sano oo ah 2017-kii, dadka Soomaaliyeedna ma ogaan-doonaan halka ay xukuumadiisa ku qarash gareysay in ka badan $1 billion oo ay ansixiyeen baarlamaanka federaalka ah saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

Miisaaniyadda 2018 waxay aheyd $275 million halka baarlamaanka federaalka ah uu ansixiyey miisaaniayadda 2019 oo gaareysa $344 million iyada oo sanadkan 2020 xukuumadda loo anxiyey miisaaniyad dhan $459.5 million, intaba lama haayo xisaabxirkooda.

Isku-dhaca Farmaajo iyo Guddiga Golaha Shacabka ee Maaliyadda iyo Miisaaniyadda:

Xukuumadda Farmaajo sida aan sheegnay waxaa ay golaha shacabka horkeentay xisaab-xirka hal miisaaniyad sanadeed oo ahaa 2017-kii, waxayna middaas madida ah ay aqalka keentay October 2018-kii, isku tuurtuur iyo buuq kadib waxaa la ansixiyey November 2, 2019, taasi oo muujineysa dib u dhac saddex sano ah, xataa halkaas xisaab-xir waxaa warbixinta guddiga baarlamaaniga ah uu ka qoray ku jirtay in lagu helay musuq iyo wax isdaba-marin baahsan. Farmaajo oo arrintaas ka fal-celinayey waxaa dhacday in guddiga maaliyadda, miisaaniyadda iyo qorsheynta golaha shacabka ee BF la kala diray, eedeynta keliya ee lagu helay waa in guddigaas ay xukuumadda ka shaqeyn la’dahay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa maalintaas la ansixiyey halkaas xisaabxirka 2017 qoray “33 million iyo 700 kun dollar oo si sharci daro ah xukuumadu u isticmaashay ayaa anta lagu ansixiyay xisaab xirkii 2017! Lacagtaas waxay ka kala timid wadamada Sacuudiga 30 milyan, Turkiga 2 milyan iyo Imaaraadka 1.7 milyan. Lacagtaas kuma jirin miisaaniyadii 2017 barlamaanku ansixiyay. Xukuumadu sooma sheegin in lacagtaas soo gashay. Markii lagu arkay xisaab xirkii ay soo gudbiyeen 2017 waa sheegi waayeen sababta iyo sida loo isticmaalay.

Akoonno Furan oo aan La Aqoon:

Sheikh Cabdi Xersi oo ku nool Canada ayaa waxaa uu bilihii lasoo dhaafay waday olole lacag loogu aruurinayo dowladda, isaga oo madal u qabtay wasiirro ka mid ah xukuumadda, keliya intaa ma aha e, waxaa uu soo bandhigay akoon lacag lagu shubo, kaas oo aan la xaqiijin cidda maamusha iyo xisaabcelinta intaba.

June 9, 2021-ka, wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa umadda Soomaaliyeed ka dalbaday caawin ay dalka dhistaan isaga oo qoray “Bulshada Soomaaliyeed waxa ay ummadaha Caalamka uga wanaagsansan yihiin is caawinta iyo garab isa siinta, tilmaamahaa gaarka ah ee aan leenahay waxa aan uga run sheegi karnaa marka aan inaga oo isku duuban dalkeena wadajir u dhisano, una horumarino. Muwaadinku waa kan u taagan had iyo jeer ka qeyb qaadashada horumar iyo dib-u-dhiska dalkiisa”. Wasiirka ma sheegin waxa la dhisayo, guddi arrintaas loo xilsaaray oo lagu kalsoonaan karo ama xisaab-celinta sida ay noqoneyso, akoonnada waxaa laga furay bangiyada  Amal, Salama iyo Dahabshiil.

Magacaabista Guddiga la dagaalan-ka Musuqa:

November 16, 2020,iyada oo ay tahay kala-guur, dalkana uu doorasho aaday, golaha shacabka wuxuu si aqlabiyad leh ku ansixiyay magacaabista sagaalka xubnood ee Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo guddiga adeegga garsoorka.

30-kii Diseembar 2020, Madaxweynaha ayaa saxiixay wareegto lagu magcaabay Dhismaha xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa.

Sida ku qoran xeerka lagu dhisay guddiga qodobkiisa 10-aad, waa in la horgeeyo baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal, laakin waxaa anisixiyey oo keliya golaha shacabka laakin aqalka sare oo loo gudbiyey 22-kii November 2020-kii, ayaa iyaga oo uu la yaallo, waxaa ay ka war heleen inuu Farmaajo saxiixay.

Dhismaha Hanti Dhawr-ka Qaran-ka

October 31, 2020-kii,  Golaha shacab-ka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa ansixiyay sharci lagu dhisayo hey’adda harti dhawr-ka qaran-ka ee madax banaan, si la mid ah golaha aqal-ka sare ayaan cod aqlabiyad leh ku meel mariyay sharciga hanti dhawrka qaran February 9, 2020.

Hanti dhawr-ka qaranka oo ah hey’add madax banaan oo hubisa hufnaanta maamulka maaliyada dalka waxay u xayirantahay in ay qabato shaqo madax-banaan saxiixida sharciga hanti dhawr-ka qaran oo madaxweynaha watigiisu dhamaaday ee Farmaajo agyaal in ka badan —– bilood.

Saxiixida sharciga hanti dharka waxaa hortaagan cabsi ay ka qabaan maamulka saree e dowladda in uu xafiiska hanti dhawrka si madax banaan u shaqeysto.

Musuqa iyo Liiska Dunida:

Maamulka Farmaajo waxaa uu sidoo kale ku guuldareysay inuu Soomaaliya kasoo saaro liiska dalka ugu musuqa badan caalamka, oo 13-kii sano ee lasoo dhaafay ay ku jirtay sida ay xaqiijisay warbixianta Transparency International. Warbixinta waxaa kale oo ku jirtay baaq ah in doorashada kahor la dhiso hey’ado wax ka qabta musuqa, tiiyoo iyadana lagu guuldareystay.

Dhanka kale, Mareykanka oo ka mid ah kuwa taageero dhaqaale siiya ciidanka Soomaaliya ayaa ka sheegtay Farmaajo. Rodney Hunteroo ah isu duwaha arrimaha siyaasadda u qaabilsan dowladda Mareykanka golaha ammaanka ayaa sanadkii hore waxaa uu yiri “Ciidamada milateriga Dowladda Soomaaliya ee sida siyaasadeysan loogu daadgureeyay gobolka, looguna dagaal geliyay gobolka Gedo ma ahan mid la aqbali karo, waxayna taas weecineysaa dhaqaalihii lagu heshiiyay ee loogu tala galay hawlgallada amniga”, ayuu yiri Rodney Hunter.”

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*