October 23, 2021

Farmaajo Iyo Rooble Oo Caqabad ku ah Xal Raadinta uu Wado Shiiq Shariif ee Xiisada Jowhar Iyo Beledweeyne


Sida Warbixinada laga helayo xafiska  Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa la filayaa in dhowaan dowladda Soomaaliya ay guddi u dirto magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaasoo ka shaqeeya sidii loo xalin lahaa cabashada ay maamulka HirShabelle ka qabaan beesha Xawaadle.

Wafdigan la dirayo ayaa qeyb ka ah qorshe ay dowladda uga hortageyso olole uu waday Sheekh Shariif oo ku aadanaa xal u raadinta xiisadda ka dhex oogan Madaxweyne Guudlaawe iyo beesha Xawaadle.

Xogta ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu ka dalbaday Xukuumadda Xilgaarsiinta Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka shaqeyso sidii uu maamulkiisa ku tagi lahaa Magaalada Beladweyne oo la filayo in lagu soo doorto qeyb ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

R/Wasare Rooble ayaa maalmahaan bilaabi doono in uu la kulmo siyaasiyiinta iyo odayaasha Beladweyn,e gaar ahaan kuwa beesha Xawaadle, waxa uuna kala hadli doonaa in la dhameeyo diidmadooda ku aadan maamulka cusub ee HirShabelle.

Dhanka kale Beesha Xawaadle ayaa Madaxweyne ka aheyd 4-tii sano ee la soo dhaafay maamulka HirShabeelle ayaa ku doodaysa in mar kasta kursiga Madaxweynaha gaar u noqdo iyaga, halka Abgaal iyo beelaha kalana ay qabaan in loo tartamo kursigaan oo dad gaar ahaan loo xirin.

Madaxweeynaha Waqtiga Ka Dhamaaday Farmaajo  iyo Rooble ayaa howshaan dardar gelin doona maalmaha soo aadan maadaama ay xog ku heleen in uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Madaxweyne Cali Guudlaawe geyn doono Beladweyne, taasoo haddii ay dhacdo dhaawac ku ah maamulka Farmaajo.

Sidoo kale Xukuumadda uu Waqtiga Ka dhamaaday ayaa isku dayeysa ina ka hortagto qorshaha Shariif, si aysan ugu noqon fursad sare u qaadda magaciisa, taasi oo caawin karta ololihiisa doorashada.

Ugu danbeeyntii Rooble ayaa dhowaan diiday qorshe ay wadeyn Cali Guudlaawe iyo Axmed Madoobe, oo doonayey in deegaan doorashada lagu soo kobo hal magaalo maamulkiiba, si ay uga baxsadaan in doorasho ay ku kala qabtaan Beledweyne iyo Garbahaarey oo laga diidan yahay.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*