October 23, 2021

Xulka Italy oo iska Xaadiriyay Finalka Euro 2020, kadib Rigoorayaal ay uga badiyeen Spain.


Xulka Italy ayaa iska xaadiriyay Finalka Euro 2020 kadib guul ay ka gaareen Xulka Spain kulan ka dhacay Garoonka Wembley oo leesla la gaaray rigoorayaal.

Qeybta hore ee ciyaarta labada xul ayaa soo bandhigay kubado sare waxana dhoor fursad iska lumiyay xulka Spain kuwaasi oo dhanka baasaska kaga feecanaa dhanka Italy waxana lagu kala nastay goolal la’an.

Xulka italy ayaana hogaanka ciyaarta qabtay daqiiqadii 60aad markii xidiga Federico Chiesa uu kubad qurux badan dhex dhigay shaqaba,

Spain ayaana heshay goolka bar-baraha Daqiiqadii 80aad Alvaro Morata ayaana kubad dhinaca bidix ka dhigay Goolhayaha Italy kadib markii uu caawan ka helay Daniel Olmo guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-1 waxana lagu daray xili dheeraad ah iyadoo 30 daqiiqo ay ku soo dhamaatay goolal la’an.

Ugu dambeyntii xulka qaranka Italy ayaa u gudbay filakna Koobka Qaramada Qaarada Yurub ee EURO 2020, kaddib markii rigoorayaal 4-2 uu kaga adkaaday dhigiisa Spain kulankii afar dhammaadka ahaa ee tartankan.

 

 

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*