October 23, 2021

Dorashada HirShabelle Iyo Villa Muqdisho Oo Cadaadis Xoogan Saartay Madaweyne Cali Gudlawe


Waxaa Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowlada Goboleedka HirShabeelle ku sii qul-qulaya Wafuud Iyo Musharaxiin u Taagan xilka Senator Aqalka sare 

Sida la sheegayo waxaa mardhaw laga sugayaa in madaxweeynaha HirShabelle Cali guudlaawe uu so saaro Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.  

Hase ahaatee Madaxweeyne Cali Guudlaawe  ayaa la kulmayo Cadaadis laba dhinac ah kaasi oo ka kala imaanaya Villa Muqdisho Iyo Mucaaradka ka soo horjeeda Dowlada waqigeeda dhamaaday.

Dhanka kale Cadaadiska Siyaasadeed  ee heeysta madaxweyne cali guudlaawe ayaa ah mid aad u xoogan waxaana uu kaga imaanaya Beelaha ku Nool HirShabelle  ayadoo  dhawaan  laga Hortagay safar uu ku tagi lahaa Magaalada Beledweeyne  ayna ka dhaceen kacdoono looga soo horjeeda.

Sidoo kale Cadaadiska Taagan Hada ayaa ah  Doorashada Sanatorka Aqalka Sare Oo u Dhexeeya Mucaaradka Iyo Dowlada Waqtigeeda dhamaaday.

Sida ay sheegeen Dadka ka faalooda siyaasada soomaliya  doorashada la filayo in ay ka dhacaan HirShabelle ay tahay mid saameeyn ku leh HirShabelle Mustaqbalkeeda waxaana laga filan karaa in ay ka dhacaan isku dhacyo dhiig ku daato sababtoo ah Villa muqdisho  ayaa Koox siyaasiyiin ah oo taageersan fakirkooda u soo direen Magaalada Jowhar waxaana ay doonayaan in ay iska horkeenaan shacabka kuwada nool HirShabelle. Waana nasiib daro aad u weeyn waxaana ay ka mid tahay dhaqankii xumaa ee laga bartay Villa Muqdisho ee Madaxweeynaha Waqtiga ka dhamaaday Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale  waxaana uu aad qarash ugu bixiyaa in uu iska horkeeno beelaha walaalaha ah ee soomaaliyeed waana dhaqan uu ka bartay kaligii taliyahii dalka soo maray maxamed siyaad bare, waxaana laga dhaxlay bur-bur 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*