October 23, 2021

Wakiilka Paul Pogba Oo Xaqiijiyay In Uu Xiddigu Ka Tagi Karo United & Kooxda Uu Ku Biiri Karo Uu Kashifay


Wakiilka Paul Pogba ee Mino Raiola ayaa sheegay in uu xiddiga reer France Ku laaban karo kooxda Juventus xagaaga dambe.

Heshiiska Pogba ee Man United ayaa dhici doona xagaaga dambe sidaas darteed waxa uu heshiis la gali karaa kooxda uu doonayo suuqa January waliba qaab xor ah uga tagi kara kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka.

Xiddiga reer France ayaa xidhiidh fiican la leh kooxdiisii hore waxana uu Mino Raiola qirtay in uu xiddigu ku laaban karo kooxda Juventus xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka.

Mino Raiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Heshiiska Paul Pogba waxa uu dhici doona xagaaga sidaas darteed waxa aan ka hadli doonaa waxa dhaca”.

“Wali Pogba wuu jecelyahay Juventus waxana jirta fursad uu ugu laaban karo kooxdaas laakiin arintaas waxa ay ku xidhantahay qorshaha Juventus”

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*