October 23, 2021

Duqa Muqdisho Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Waddda Dayactir lagu Sameeyay


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray Waddo laami ah oo isku xirta isgoyska Baar Ubax iyo Warshadda Taraqa iyo sigaarka ee magaalada Muqdisho.

Wadadaan ayaa muhiim u ah isku socodka gadiidka iyo dadweynaha,waxaana dhismaheeda iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka degmada Howlwadaag.

Gaadiidlayda iyo dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay dhismaha  wadadan lagu sameeyay  oo muddo dheer aan wax dayactir ah helin.

Magaalada Muqdisho ayaa dayacti lagu sameeyay wadooyin badan iyadoo sidoo kale ay weli ka socdaan magaalada dayactir lagu sameynayo wadooyin burburay  oo aan muddo dheer helin dayactir.

duqa muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha waddo muhiim ah

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*