October 23, 2021

AUN :Saynisyahankii hubka Nukliyeerka ee Pakistan oo geeriyooday


Allaha u Naxariisto Dr. Cabdulqaadir Khan oo ahaa Sameeyihii Hubka Nukliyeerka ee Pakistan ayaa saakayto oo Axad ah ku geeriyooday caasimadda dalkaasi ee Islamabad.

Saynisyahanka oo 85 jir ahaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun kaga dhacay Sambabada.

Telefishinka Qaranka Pakistan ee PTV ayaa saaka baahiyay in uu Saynisyahanka Nukliyeerka Pakistan uu geeriyooday,  xilli loo wareejiyey Isbitaal kale sababo la xiriira dhibaayooyonka dhanka Sambabada (Lung problems).

R/Wasaraha Pakistan,  Imran Khan waxa uu sheegay inay Dr. C/qaadir Khan aad loo jeclaa, maadaama uu door muhiim ah ka qaatay sidii uu dalka Pakistan u noqon lahaa dal haysta Hubka Nukliyeerka iyo isagoo noqday Halyeey Qaran oo Tusaale muhiim u ah dadka iyo dalalka islaamka gaar ahaan pakistan.

Sidoo kale Madaxweynaha Pakistan Arif Alvi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay igeerida Dr Abdul Qadeer Khan oo uu si shaqsi ah u yaqaanay tan iyo 1982 -kii.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha ee Pakistan Sheikh Rashid Ahmad ayaa bartiisa Twitter -ka ku sheegay in kulan degdeg ah la isugu yeeray madaxda sare ee dalka Pakistan si loo dhammeeyo qabanqaabada xafladda aaska.

Madaxweynaha Pakistan Arif Alvi ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay igeerida Dr Abdul Qadeer Khan oo uu si shaqsi ah u yaqaanay tan iyo 1982 -kii.

Saynisyahanka farsameeyey Nukliyeerka Pakistan waxaa lagu aasi doonaa Masjidka Jaamaca ee Faysal Mosque oo ku yaalla magaalladda Islamabad, sida uu horey ugu dardaarmay Marxuumka.

Sida ay Wararar ay  sheegayaan in Marxuumka laga daaweeyey Xanuunka COVID-19, kana soo bogsaday.

 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*