October 23, 2021

Guddoomiye Jeyte “Guddiga Dorashada Waxa aan u sheegayaa In Reer Hiiraan ay isku Diyariyeen Dorashoyinka”


Wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka Federaal oo Maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan kula qaatay Magaaladaas Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Mas’uuliyiinta Baladweyne.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa is mid xog-wareysi ah oo ku aadan qaabka doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay uga dhici karto Magaalada Baladweyne oo kamid ah magaalooyinka lagu qabanayo doorashooyinka dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan oo hoggaaminayay wafdiga Maanta ayaa sheegay in kulamo kala duwan ay la qaatan doonaan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo qeybaha Bulshada Baladweyne.

Guddoomiye Mowliid ayaa tilmaamay inay Maamulka iyo Bulshada kala hadli doonaan sidii Baladweyne uga dhici laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana heshiis lagu wada yahay, ayna ka shaqeyn doonaan arrintaas inta ay ku sugan yihiin halkaas.

Dhinaca kale Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in dadka kunool Magaalada Baladweyne ay ka cabsi qabaan hal arrin oo ah in doorashada laga wareejiyo Magaaladaas oo ku qabto meel kal, xili uu xusay  ay u diyaar garoobeen doorashada dhaceysa.

Guddomiye Cali Jeyte ayaa Guddiga doorashooyinka Federaal ka dalbaday in ay xaliyaan Cabashooyinka jira, isla markaana si Cad ugu sheegayaan in doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Hirshabeelle lagu qabanayo Baladweyne, isagoona u mahadceliyay Guddiga.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*