October 23, 2021

Koonfur Galbeed” Somaliland kama aqbaleyno hantida ay ka reebteen dadkii ay soo musaafuriyeen”


Maamulka Koonfur Galbeed ayaa billaabay in ay diyaarado kusoo daabulaan dadkii dhawaan Somaliland kasoo musaafurisay Magaalada laas-caanood ee Gobolka Sool, kuwaas oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay) oo kamid ah Guddiga Madaxweynaha Koonfur Galbred u xilsaaray xaaladda dadka la soo musaafuriyay ayaa sheegay in Somaliland dadka ay soo musaafurisay ay ahaayeen Carruur iyo waayeelo balse aysan kujirin dhalinyaro.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay inay tahay wax laga xumaado dbibaatada dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed loogu geystay Magaalada laascaanood, kuwaas oo uu sheegay in badankood hantidoodii laga reebtay.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka doonayaan hantida dadka ay soo musaafuriyeen, isaga oo sicad u sheegay in aan Somaliland laga aqbaleyn hantida ay ka reebteen dadka Shacabka ah.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Koonfur Galbeed xilli Somaliland ay weli wado dadka ay soo musaafurineyso, isla markaana degaano kale oo ka tirsan Somaliland dadka kunool ay ku amartay inay isaga baxaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*