October 23, 2021

Madaxweynaha Taiwan oo si caro leh uga Jawaabtay Digniin uga timid Chinaha


Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa si caro leh uga jawaabtay digniin ka timid hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping, oo ahayd in Jasiiradda ay la midowdo Shiinaha.

Khudba ay ka jeedisay munaasabadda Maalinta Qaranka Taiwan ayaa imaanaysa kadib markii Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu wacad ku maray inuu dabayaaqada todobaadka midayn doono Shiinaha iyo Taiwan, kaddib todobaad ay cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhaxaysa labada dhinac.

Madaxweyne Tsai waxay khudbaddeeda ku sheegtay in Taiwan ay sii wadi doonto xoojinta difaacyadeeda si aysan cidina ugu qasbin inay aqbasho waddada Shiinaha u dhigay.

Waxay sheegtay in qofna uusan rumaysan in dadka Taiwan ay u sujuudi doonaan cadaadiska Shiinaha. Beijing ayaan meesha ka saarin suurtogalnimada adeegsiga xoog si loo gaaro qorshaha mideynta.

Tan iyo bilowgii bishan Shiinaha ayaa ku dhowaad 150 diyaarado oo ay ku jiraan kuwa wax duqeeya iyo kuwa wax basaasa u diray hawada Taiwan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*