October 23, 2021

R/Wasare Rooble Oo Kulan Fogaan-Aragga Ah La Qaatay Masuuliyiinta Soomaaliya Ku Matalaysa ICJ


R/Wasaaraha Xukumada xilgarsiinta  Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa kulan dhiirrigelin ah habka fogaan aragga kula yeeshay wefdiga DFS ee ka qeyb galaya ku dhawaaqista go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda badda,isagoo guul u rajeeyay Ummadda Soomaaliyeed.

Wafdigan ayaa maanta gaaray magaalada Hague oo ay ku taalo Maxkamadda ICJ, halkaa oo 12 ka bishan aynu ku jirno looga dhawaaqi doono xukunka kama danbeysta ah ee dacwadda Badda ee Kenya na gala dhexeysa.

Wafdigan oo uu horkacayo ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay inay rajo weyn ka qabaan xukunka maxkamada ICJ iyadoo lagu wado in berri oo ku beegan maalinta Calanka Soomaaliyeed lagu dhawaaqo xukunka.

rooble oo kulan foggaan-aragga ah la qaatay masuuliyiinta soomaaliya ku matalaysa icj

rooble oo kulan foggaan-aragga ah la qaatay masuuliyiinta soomaaliya ku matalaysa icj

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.


*