October 23, 2021

Ciidamo Boolis ah Oo Ka Tirsan AMISOM Oo La Geeyay Magaalada Baraawe

Ciidamada Boolis AMISOM ayaa saaka la geeyay magaalada Baraawe, si ay uga qeyb qaataan howlaha sugida Amniga doorashada Golaha Shacabka oo la filayo in todobaadyada soo socoto ka bilaabato.

Degmada Baraawe ayaa ka mid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, waxaana todobaadkii hore booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashada.

Dhanka kale waxaa dhawaan ka dhacay magaalada Baraawe banaanbax rabshado wata kaasoo lagu diidanaa dhismaha golaha deegaanka degmada Baraawe waxaana banaanbaxaas ku dhintey hal ruux.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federaal ayaa dhawaan shaaciyay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto doorashooyinka golaha shacabka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso Adigoo Mahadsan

Your email address will not be published.

*